webmaster@laasqoray.net

Cabdi Casiis lafta Gareen oo Iska Casilay xilkii Shalay Loo Magcaabay oo ahaa Wasiir Kuxigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Cabdi Casiis lafta Gareen oo kamid ahaa 18-kii Wasiir kuxigeen ee uu maalintii shalay magcaabay Raysal Wasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba ka tanaasulay xilka Wasiir kuxigeenka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga isaga oo sabab uga dhigay saluug ka galay xilka loo magcaabay.

Mr Cabdi Casiis lafta Gareen ayaa waxa uu sheegay in xilkan uu yahay mid aan u qalmin beesha uu kasoo jeedo isla markaana uu kasoo horjeedo heshiiskii Jabuuti ee lagu soo dhisay Dawladda KMG ah ee xilligan ka jira.

Masuulkan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu aad u saluugay xilka loo magcaabay sidoo kale waxa uu tilmaamay masuulkaan in xilka loo magcaabay uu yahay mid aan u qalmin beesha uu kasoo jeeda isaga oo intaasi ku daray in qaabka loogu magcaabay xilkan ay garab marsan tahay heshiiskii lagu gaaray Magaalada.

“Aniga oo ah Cabdi Casiis lafta Gareen waxaan maanta rabaa in aan umadda Soomaaliyeed u caddeeyo in aan iska casilay xilkii shalay la’iimagcaabay oo ahaa Wasiir kuxigeenka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah, kadib markii uu ii cuntami waayey xilkaasi taasi oo ay sabab u tahay soo magcaabista xilka oo aan waafqsanayn heshiiskii Jabuuti”, ayuu yiri Cabdi Casiis lafta Gareen oo maanta iska casilay xilkii shalay loo magcaabay.

Cabdi Casiis lafta Gareen ayaa waxa uu ahaa Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha ee Xukuumaddii Raysal Wasaare Sharmaarke waxaana maalintii shalay loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga.

Masuulkan ayaa waxa uu noqonaayaa masuulkii ugu horeeyey ee oo kamid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda cusub ee dhowaan lasoo magcaabay lamana oga talaabada ku xigi doonta wuxuuna kusoo aaday xilli malainta berri ah la filaayo in ay mudanayaasha Baarlamaanku ka doodaan ansixinta Xukuumadda cusub.

Laasqoray.Net-

Comments are closed.