Sida lagu shaaciyey war laga sii daayey Tv- Caalamiga ah ee Universal ayaa waxuu Gudoomiya Ururka SNM ee ka taliya Waqooyiga Soomaliya Mudane Siilaanyo kulan la qaatay koox biidhiqaataal ah oo uu horkacayo Daba dhilif Cabdillaahi oo mudooyinkanba ku hawlanaa u heelanaanta ururka SNM ee Xaruntiisu tahay Hargeysa.Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in kooxdaas biidhi qaatayaashi ahi la qaateen shir lagu sheegay in uu shir beeleed yahay horjooge Siilaanyo iyo koox ka mida weftiga uu hogaaminayo maalin nimadii Sabtidii doraad ee aan soo dhaafnay.
Ujeedada kulankan oo ahayd in ay kooxdaasi waxoogaa gacan saar ka helaan Mudane. Siilaanyo ayaa haba yaraatee kulankaasi kusoo dhamaaday natiijo la’aan, isla mar’ahaantaana kooxdaas biidhiqaatayaasha ahi iyaga oo kabna lulaya kabna laalaadinaya ay soo gurya noqdeen, kadib markii Gudoomiye Siilaanye u sheegay inaanay nimankani u muuqan rag meteli kara beeshan ay magaceeda ka dhawaajiyeen.
Kooxdan biidhi qaatayaasha ah ee la kulmay Mudane. Siilaanyo ayaa tiradooda lagu Qiyaasay todoba xubnood oo uu hogaaminayey ninkaas sheegtay Wakiilka Suldaan Siciid Suldaan Cabdisallaan oo iminka hawlo shaqo ku jooga Qaar kamida dalalka Afrika.
Dhinaca kale warbaahinta Sanaagpost.com oo xidhiidh la samaysay Suldaanka Guud Ee Beesha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo iminka ku sugan Magaalda Nairobi ayaa Suldaanku waxuu u xaqiijiyey in Wakiilnimada uu sheeganayo ninkaasi ay tahay mid waxba kama jiraan ah isla mar’ahaantaana habayaraatee aanay jirin cid ilamaa iyo hada uu Suldaan ku usoo wakiishay Qaaradaha iyo Yurub Iyo North America.
Talaabooyinka ay qaadayaan kooxahan biidhiqaatayaasha ahi ayaa ah kuwo isa soo taraya oo mudooyinka ugu danbeeyeyba ka waday abaabulo ah inay taageerayaal badan u helaan sidii loo kala dhantaali lahaa midnimada Umadda Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana u gacansiin lahaayeen fikirka gooni goosadka ah ee durbaanka uu utumo ururka SNM iyo Taageerayaashiisu.
Mudo hada laga joogo ku dhawaad sanad ayey ahayd markii kooxahan dabadhilifka ahi ay dhaqaalaha u gurayeen xisbiga kulmiye oo xiligaas isu diyaarinayey doorashdii hogaanka ururka SNM ee xaruntiisu tahay Hargeysa.
Mar aanu xidhiidh lasamaynay Gudoonka Sare Ee Jaaliyada Gobolka Sanaag iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Calmadow Community & Development Centre Mudane. Abdirashid Yusuf Jibril Garaad ayaa waxay noo sheegeen masuuliyiintaasi inaanay haba yaraatee waxba kala socon talaabooyinka ay Qaadeen kooxdaas qawlaysatada ahi.
Mudane. Abdirashid Yusuf Jibriil Garaad oo faahfaahin dheerada kasii bixinayana amuurtaasina waxuu yidhi ” Arintan maqalkeedu waxuu igu noqday mid anfariir ah in kooxyar oo aan cidna metelini ay ku hadlaan magacii iyo sharftii beesha iyaga oo uu hamranaya qadar yar oo lacaga, waxaana idiinsheegayaa magaca beesha Warsengeli wuu ka weyn yahay wax yar oo kooxyar jeebkooda gala, mida muhiimada ahina waxay tahay in la wada ogsoonaado Magaca Saldanada oo beesha oo dhami wada lee dahay inaan cid gaari ku qadhaaban karin”.
Gudoomiyaha oo Beel ahaan kasoo jeeda Qoyska Saldanada ayaa waxuu sheegay inaan cidina uga war roonayn Saldanada iyo Hawlaheeda ilamaa iyo hadana aanu ogayn cid uu Suldaan Siciid usoo wakiishay arimahaas Xaaraanta ah, waxanina maaha wax Suldaan Lagu metelo ee nimankani sharafta Saldana ayey Meelkaga dhaceen,
Suldaankuna sida uu idinkaba ka saxaafad ahaan idiin sheegay in aanu cidna usoo wakiilan Qaaradan Yurub, wayna iska cadahay nimankani in ay yihiin rag lunsan oo majara habowsan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wararkaas iyo waxii kusoo kordhoba kala soco Sanaagpost.com oo goor dhow idiin soo gudbindoonta waxii faahfaahin dheeraada ee arimahaas la xidhiidha.
Halkan hoose ka eeg magacyada kooxdii biidhiqaatayaasha ahaa ee ka qayb galay kulankii Gudoomiye Siilaanyo.
ABDILLAAHI MOHAMOUD ABDISALAAN [ Cali Garaad]
BASHIIR CABDI XASAN [Axmed Garaad]
XAAJI SAALAX M.MUUSE[Cali Garaad]
MOHAMED ABDILLAHI QABLAN[Axmed Garaad]
MOHAMED JAMA QODAX ” CUDUD”[Dubays]
SICIID MOHAMED FIDHIN[Dubays]
XUSEEN MOHAMED GAAS[Dubays]
AHMED MOHAMED JAMA “GURIBAR”[Ogeyslabe]
Ali Gurey Dirir [Dubays]
Maxamed Cabdi Salaax[Cali Garaad]
http://www.youtube.com/v/HodBEFEdy7c?fs=1&hl=en_GB
Xigasho: Sanaagpost

December 10, 2010 at 11:51 pm
Nin xaaraan cunaa xishood ma yaqaan
Xilna ma uu qaado xaasidku
haddii aad ximaar hortii teggi
oo xaajiyow aad hayn xisaab li’i
ma xaalufin maakhiri hadaad xaajoon
nin xabad ii qaatay oon i xaalmarin
xabiib kama dhigto xubina uma hayo
December 9, 2010 at 1:32 pm
dad baa mooday inay awood haystaan yaah. waar intay warsengeligeenii kale ee inaga degenaa lasqoray iyo badhan iyo dhahar ayay hadana na leeyihiin anaa kaa dhigi kara waxaan rabo. aar halkeed nooga dhigi kartaan soo maaha waxaad iigu faanaysaan in aad majeerteen ii keensatay kolkay kuu hirgali wayday sheekdaadii somaliweyn soomaahan. anaa ku tusi siday dacari dhadhanto sxb. ee arag ana somaliland ayan ahayd isaaq iyo samaroona waan kuu keensan kabahana waan idinka siibi ilaa min muqdisho illaa min bosaso ayaan idin eryan sidii waraabaha oo kale. socda kolka horeba kala badh aw badh baanu kala ahayn ee xoog waxba igagama qaadid. mida kale waalagaaga cod batay somaliland baad qudhunkan inoogu laaqaysaan meesha miyaa. waa la idin arki daanyerayahay. mid majeerteen iyo hawiye hoosta ku wata oo xididna la wadaaga miyaa aniga ii hamjabaya. somaliland waxay u badan tahay yes. waayo isaaq is majority samaron is majority anaguna kala badh ayaa somaliland ah. dhulbahante iyana waa kala badh oo waanu idinka xorayn somaliland. somaliland is my only nation that i have ever fight for nearly 80 yrs. oon finally 26 june xoraystay oon qolodaas iskaga luminay maxaa inaga qoomama ah. maantana gacanta ayay inoogu jirtaa cadowga somaliland way guul daraysan donaan waayo waanu kaga badanay codkii alabiyadii taageeradii. badankeenu waxaanu nahay somaliland. waxan yar oo fara kuriska ahi waxba igama qaadi karaan waxna igama dhigi karaan bil caksi anaa ka dhigi kara. waayo hadaanu inagu is leekano waxaa ina badaniya samaroon iyo isaaq. waayo half and half baanu kala nahay, half somaliland ah iyo half qudhmiskii illaa maanta nalagu quudhsaday weli la socda. somaliland hanoolaato dooni mayno somalia.
December 8, 2010 at 10:19 pm
ODEEYAASHU WAAY KUU SAXSAN YIIHIN INAAY MUUDANE MADXWEEYNEHA JAMURIYADA SOMALILAND LAA KULMAAN WAANA MUUQADEEY ,,,WAAYO DHULMAHANTE,,,WARSENGELI WAA SOMALILANDER WAANAAY KUU QASBAAN YIIHIN KEE QAABIL IYO QUURUN RAADINAAYOW TAASI ADEEY KUU TAALAA CAALOSHANA UU DHIIMA WAAXANAAD AHAAYD NIMAANKE DHIIGA IYO XOOLAHAA XARAANTA AH UU BAARAY XUUKUMAAD KUU SHEEGI AFWAYNE BAARE OO WAALI RAADINAYA LAAKIN WAA DHAMATAY EE DADKAADA DHIINAC KAA RAAC DAALKUNA WAA DAAL SOMALILAND AH KAA NAAXOW NAAFTA WAA KEELE EE MAJERTENIA Rabow naa dhaaf adaana ciirkaa roob kuu og dhul maa guuro dad baa guura dhulkuna waa somaliland 1960 kee xornimada qaadetaay guul iyo goobanimo qaran kaa somaliland kaa naaxoow nafta waaa aaamin,,,aaamin,,,caaloshana uu dhiimo,,,
December 8, 2010 at 9:18 am
dubays dad aan isku kalsonayn u joojin maayo dalkiisa difaciisana ku filan ee saaxiibayaal ha ku habsaamina galgala iyo dubays anagaa somaliland idinka dhigi karna somaali wayn iyo puntland idinka dhigi karna taariikhda baro
December 8, 2010 at 2:21 am
horta waxaan leeyahay laasqoray net way sax san tahay waxayna soo bandhigtay runta meesha taala. inay kooxi koox kale u xoog sheegato. sida lawada ogyahay umada reer maakhir ama sanaag bari waxay u kala baxdaa 50% somaliland ogol iyo 50% somalia sii raba. waxaana xoog lagu qabsaday inaka badhkeenii somaliland ahayn. dee badhkii somaliweyn u ololeen jiray ayaa majeerteen inoo soo kaxaystay oo xoog baa nalagu qabsaday kolkaa anagu somaliland baanu nahay. waxan la yidhaa puntland iyo maakhir estate waa kuwaas oo ku hingoobay majeerteen baa maantana wata. somaliland weliged guul ayay u ahaanaysaa. markaa realitygii baa soo shaac baxaya. ee wax umada warsengeli u dhamayd kolkeeda hore ma ahayn ee waa dad dano gaara wata oo wada riyo somali oo dhami ka ilbaxday inay meeshan lasoo galaan. dee umada somaliland ayay u taalaa hadii somali weyn la radinayo iyo in kale.
dhinaca kale sababta somaliland uga baxday midnimadasi waxay ahayd somalidii umay dhamayn. sidoo kale reer jabuuti ayaa diiday. oo iyana kolay waxay arkeen AUda oo leh qaynuunka colonial borderka hala daayo. kadibna waxay aragtay inay laba geesi maqanyihiin soo celintuna tahay mid adag.
dad baa isku daaliya somaliweyn saaxiibayaal somaliweyn hadii larabo dee kasoo bilaaba jabuuti kenya iyo itoobiya. haday wax kasoo dhashaan oo ay kuwa kale ogolaadaan dee welcome waanu iman. hadii kale shantuba ha iska maqnaato. somaliweyn raadinteeda waxaa ku tacab kharaasay rag idinkaga cilmi badnaa oo cigaal oo ahaa nin siyaasi ah yaa ku daalay. dee wax sahlan maahan ee tiiyo ragii idinka horeeyeen meeshan ku daaleen sidee bay adna kuugu fududaanaysaa.
mida kale qolodan reer somalia ha ahaadaan puntland oon ula jeedo bari nugaal iyo mudug waqooyi iyo kuwan koonfur degaa in ay xal la yimaadaan. puntland inay umadaas hayb soocdo mahan waayo waa umad ay xoriyad la qaateen. dee horta umada reer sool maahan badh kena somaliland ogol ee badhkan kale u sheegaysnaa rag baa arrintan idinkaga horeeyay ee way arkeen inanay ahayd sahal wana wax africanka ka soo yimi kana go ay. dee hadii anay somali isku dhamayn dee shantuba hakala maqnaato.
si kale oo loo raadin karo ayaa jirta se horta sadexdan jira ha is xushmeeyaan. qolodaasina somalia ha xushmayso umada somaliland. dee raadinta labada maqani way adagtayee in laga hadlo ee sadexdan jiraa waa in horta la isku hayaa. oo ay noqdaan sadex qaran oo somaliyeed oo xuduudka isku furta oo leh urur weyne ku bahoobay somalinimo oo lamida kuwa carabta. oo xarumahoodana laga kala dhigo sadexdan caasimadood ee hargeysa muqdisho iyo jabuuti. hadii sadexdan isku roonaadaan meesha waxaa ka baxaya cadowga somali oo ah itoobiya inay qabsato somali sidaas ayay uga gol leedahay. waa in iyana si dadban loola yeeshaa cilaaqaad waayo cilaaqaadkaasi aanu la samayno kenya iyo itoobiya waxay faraj u noqon kartaa inay labadaasi maqan helaan xornimo buuxda. hadii se somaliland la xushmayn dee shacabka somaliland ogolaan maayaan in xoog lagu qabsado. reer jabuutina si aad wax u wada wadaagtaan dhici mayso oo waxaaba suura gal ah in aanu idinkala xidhno jabuuti afkaas mooyee waxba idinla qaban mayso, dee waataas somaliland waa isku xidhaha jabuuti iyo somalia. somaliland waxay ahayd dal jiray oo aan gorgortan gali karin. dee somaliland reer jabuuti hadaba way isku fiican yihiine yaah qolodan bay arrinku dhinacooda ka qudhuntay ee somalia. waar somali hadii ay kala noqoto sadex qaran dee may kala go’in ee way wada joogta. in ururweyne loo sameeyo ayaanu rabnaa in umadu siku furanto oo ay wax wada qabsato ayaa la hubaa.dee hadii sadexdaa qaran la xoojiyo waxaa hubaal ah in cadowgu aanu mar dambe maamuli doonin arli somali. laakiin hadii aniga la igu bilaabo dee cadalad mahan ana waan u soo raaci kolkaa cadowga. waayo somali shuruudi ay ku midowday waxay ahayd in la helo shantii oo isku dhan dee waxbaa la waayay jabuutina way kaba sii dartay dee ana aan xaqayga doonto. mamul qabiilna waa qalad wax sax ahna maahan umaduna yaan laga dhigin googo miidhan. waxa jirta shan somali mahan 6. waana tan calanka somalia xidigtiisu qirayso sidoo kale kan somaliland iyo kan jabuutiba qirayaan in ay shan somali jirto. ma mamul qabiileed miyaa shantii jirtay lagu sii biyo dhicinayaa miyaa. inaalilaah. waar hadii aynu qolodaasi isfahmi waynay dee sabab baa taala. wixii lagu heshiiyay mala waayay deinay yidhaahdaan bay ahayd sorry arrintii ma hirgalin ee inakala wada. dee xoog ayay iiba sheeganayaan siday wax igaga qaadi karaan. umada somali yaan qabyaalad lagu kala dilin sadexda qaran ee u hadhayna yaan laga dumin. ee hala isku tolo sadexdan qaran. oo urur hasamaystaan ay ku bahoobaan somalia jabuuti iyo somaliland. dhulbahante iyo warsengelina iska daaya ciilkan aynu isku hayno. anagiina waanu kala qaybsamnay waayo marabno in shantan lasii kala googooyo ee sidooda halagu daayo. manana rabto in aad xidigta shan geesoodka somalida ee ku taala calanka somaliland kan jabuuti iyo kan somalia la khilaafo. sidana cadowga ayay inoo jilcinaysaa. somaliland wax bay la qabanaysaa somalia siilaanyo wuu rabaa in shanta somali la isku hayo lakin sidii hore si ka gedisan. waana in qolo walibaa qarankeeda loo tixgashaa. hadii kale gar maahan in aniga tayda la igu maago jaabuutina loo daayo qarankeeda taasi waa cadaalad daro. illaahbaan idinku dhaarshayee miyaanay ahayn cadaalad daro in la yidhaa jabuuti ha jirto oo somaliland aan xoog ku shegto ma saxbaa walalayaal waa maya. dee maxaa hadaa kolka horeba loo midoobay hadaan midna siinayo qarankiisa midna aan leeyahay tagi maysid. waa xaq daro weeye. ama somali ha isku timaado ama hakala tagto. arrintu waxa weeye waa laba ama shanta somali oo mutuxan hala helo ama shantuba hakala tagaan si xaq maahan inaan midna yidha micno maleh qarankaga hayso waxaasi waa waxii aanu gumaysiga kula dagaalamnay. oo uu yidhi midi kenya weeye midina waa itoobiya midina way madax banaananaysaa. dee gumaysiga waxba ma dhaamto qaynuunkiisii. ee somali ayagoo mutuxan hala helo ama hakala socdaan oo ha is yidhaah daan macsalaama. waan ogahay siilaanyo in lagu haysto dhibaatooyin uu u gaystay beelaheena warsengeli iyo kuwa degan galbeedka somaliland ee samaroon hadana somali dhib way kala gashaa wayna is cafisaa ee yaan sheekooyinkan dib loogu laaban hadii kale kala aargoosi meelna ma gaadhayso.
December 8, 2010 at 1:58 am
SALAAN AKHRISTAYAASHA SHARAFTA LEH.
Odeyashaa ba’eh war nimankani ma wada socon oo talo ay ku wada socdaan malahayn ee waxay ahaayeen labo group oo aan kalsooni kala qabin oo kala shekisan,
Qolada kowaad waxay ahaayeen kuwo kursi doona oo jago raadis ah,
waxayna yidhaahdeen madaxweyne waxaa tahay madaxweyne xaq ah oo cadaalad loo doortay waanuna ku taageersanahay,marka madaxweyne beesha warsangeli sadkii ay xaqa u lahayd ma helin waanunana ku sugaynaa madaxweyne.
Jawabaatii gudoomiyaha SNM siilaanyo waxay ahayd niman yahow beeshu dawlada waa ka mid waana ku jiraan,dadka oo dhana wax lalama gaadhi karo,xaga waxqabadkana waa dadalaynaa.
Qoladii labaad ayaa mr siilaanyo suaalo weydiisay waa labo nin oo lakala yidhaahdo cali dirir iyo cudud oo ka soo jeeda degaanka dhahar. suaashoodii waxay ahayd mudane madaxweyne waxaa tahay madaxweyne xaq loo doortay,waxaa tahay madaxweyne dimqoraadiyad lagu doortay marka waxaanu kuugu nimi degaanka warsangeli dawlada inaad gaadhsiiso ayaanu rabnaa waxaa degaankaa genoecide ama xasuuq ka sameeya nimanka madxda u ah degaanka majeerteeniya waxaanu kaa cod sanaynaa inaad xuduuda soo xidhtid,cabdillaahi yusuf,cado iyo faroole ayaa macdan ka baadhanayey mudo dheer marka madaxweyne meesha ka kac oo dadkaaga difaac oo xuduudka soo xidh,hadana puntland waxay tababaraysaa ciidamo dhan 1200 kun iyo labo boqol waxa ay u tababaraysaana waa inay macdanta dhulkeena gurtaan marka madaxweyne hawshu waa sidaas.
amaantii ka bacdi waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha SNM mr silaanyo
Jawaabtiisiina waxay ahayd sidan.
horta nimanyahow degaanku hada waa nabad gobolkana hada waxaa ka jira arimo xasaasi ah marka waxaa jiray nin atam la yidhaahdo anaguna hadaanu nahay somaliland ma naqaano jin iyo insi wuxuu yahay anaga iyo puntland-na waxaa naga dhexeeya xidhiidh ah inaanu nabada ka wada shaqayno waana muqadas….muqadas…muqadas.
marka jawaabtii gudoomiyaha SNM silaanyo intaas ayey ahayd.
cimrigaaga oo raaga geel dhalaayana waa ku tusaa..
isaaq uga ashakatood harti bal marka maxay idinla tahay saaxiibayaaal.
weji gabax ayey meeshii kala yimaadeen iyo iyagoon nina nin salamayn.
soo waca reer lonodon oo ka waraysta sidii wax u dhaceen.
TARIIKH MADOOBAATAY.
NABADEEEEEEEEEEEEEEY
December 8, 2010 at 1:55 am
Gabanka maxmuud C/salaan dhalay Waa nin iska Macduur Ah oo Xeryaha Dawlada iyo buu iska Galaa macana maleh Cali Gurey Dirir iyo Cududna Waxay ku waasheen waa nala Gumaystaa CID Gumaysatana lagaran maayee
Dubay Hala weydiiyo in ay siiyaan Xornimo
Xaaji saalaxna weligiiba Xayeesh buu ahaa
Siilaanyona waa yaqaaney
Laku lanka isaaq waxba Kama jiraan dheh
December 8, 2010 at 12:32 am
Lasqoray.net raali gelin ha bixiso, waxaani uma qalmaan in laga hadlo, Waa dad dantii dadkooda dhaafsadey shilimo, umana qalbaan in laga hadlo
caado qaado will always be caado qaate
Salaams
Maakhiri
December 8, 2010 at 12:24 am
soo dhawoow madaxweyne. waxaad tahay madaxweynaha somaliland oo dhan. sidoo kale waxaad tahay madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ee xoriyadeeda qaadatay 26kii june 1960.
soo dhawoow waxaanu sugaynaa inaad goboladeenan sanaag bari aad majeerteenkan nooga xoorayso nagana qabato kooxdan somalia u ololaya waxay doonaan iska noqda kolkay rabaana inoo afduubta.
mudane siilaanyo waxaan kaa codsanaynaa inaad ogaato warsengeli siduu u dhan yahay somaliland ma diidana ee kolkii horeba reer sanaag bari kala badh waxay ahaayeen somaliland halka ay badhkiii u ololeen jireen somaliyadii la isaga tagay iyagaana ugu wacnaa keenida majeerteen umadana xoog u sheegtay kolkay arkeen inay riyadoodii meel u mari wayday. kolkaa soo dhawoow inoo dhis dekada laasqoray. sidoo kalena inoo hirgali wadooyinkii aad doorashada inoogu balan qaaday waayo codkeena ayaanu ku siinay. guul somaliland guul somaliland viva somaliland. dooni mayno majeerteen dooni mayno daba dhilif majeerten dooni mayno somaliweyntii dhiciska ahayd. soo dhawoow madaxweyne waxaad tahay hogaankeenii hadaanu nahay bulshada reer sanaag bari ee warsengeli.
December 7, 2010 at 10:22 pm
nuune hadalka jilci oo ujeedadaada caday…..?
December 7, 2010 at 8:38 pm
Dubeys la garayee, Cali garaad yay galaan? kkkkk
December 8, 2010 at 2:58 pm
dubays la garaye garaad cabdalle xagee gala ama garaad maxamuud xagee galaa wa su’aal taagane