Ciidamada AMISOM oo bilaabay inay isku fidiyeen Xaafadihii ay ka baxeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Waxaa magaalada Muqdisho qeybaheeda kala duwan lagu arkayaa Ciidamada AMISOM oo wata agabyo kala duwan, sida iyagoo gawaaridooda ay ku raran yihiin qalabyada Difaacyada laga sameeyo, waxaana qeybaha kala duwan ee xaafadaha Muqdisho lagu arkaya iyagoo ciidamadooda lugaynaaya haorayna u galaya xaafadaha qaarkood.
Ciidamada AMISOM ayaa u muuqda kuwo ku sii fidaya Magaalada Muqdisho, waxayna ciidamadu bilaabeen inay xaafadaha qaarkood ka baaraan waxyaabaha qarxa, waxayna dadka uga digeen in xaafadaha ay u laabteen , iyagoo saraakiisha Dowladda iyo kuwa AMISOM ay horay u sheegeen in xaafadaha la baarayo waxyaabaha qarxa.
Xaafadaha Muqdisho ayaa u muuqda kuwo qaarkood ah dhul Howd ah, waxaadna arkaysaa in wadooyinka qaarkood ay yihiin kuwo Go’an oo aan dadka iyo gaadiidka aysan mari Karin.
Ciidamada AMISOM ayaa fariisimada ay hadda degeen waxaa ka mid ah Garoonka Stadium Muqdisho, iyadoo Ciidamada AMISOM ay sidoo kale gudaha u galeen saakay ilaa shalay xaafado ka mid ah Waqooyiga Muqdisho.
Somaliweyn+LaasqorayNET
