webmaster@laasqoray.net

Ciidamada Ammaanka Magaalada Bossaso ayaa Dil iyo Dhaawac u Gaystay Kooxo Maanta Bossaso ku Dhaawacay Sarkala Katirsan Wasaaradda Maaliyadda+Sawirro.

Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso ayaa maanta dil iyo dhaawac u gaystay kooxo hubaysan oo maanta fal dhaawac ah u gaystay sarkaal katirsanaa Wasaaradda aaliyadda Dawladda Puntlan.

Dilka iyo dhaawac ayaa yimi kadib markii labo nin oo ku hubaysan Bastoolado ay maanta dhaawac u gaysteen sarkaal katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland kuwaasi oo markii ay dhaawaca gaysteen isku deyye in ay baxsadaan hase yeeshee ay baacsadeen Ciidamada Booliska Magaalada Bossaso iyaga oo toogtay mid kamid ahaa raggii dhaawaca gaystay sidoo kale waxay Ciidamadu dhaawac halis ah u gaysteen kii kale iyadoo markii hore dadka dhaawaca gaystay ay ka koobnaayen labo ruux.

Isbitaalka guud ee Magaalada Bossaso ayaa la geeyey maydka ninka ay Ciidamadu dileen sidoo kale waxaa Isbitaalka la keenay kan kale ee dhaawacmay waxaana iminka lagula tacaalaayaa caafimaadkiisa inkastoo saraakiisha caafimaadka Cusbataalka Bossaso ay noo sheegeen ninka dhaawaca ah uu qabo dhaawac culus.

Guddoomiyaha Gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay gudaha Cusbataalka ayaa waxa uu sheegay in raggan ay qayb ka ahaayeen dadka falalka ammaan darro ka wada Magaalada Bossaso isla markaana ay ka hortageen Ciidamada Booliska ee dilka iyo dhaawaca u gaystay.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in dhaawaca sarkaalka katirsan Maaliyadda uu yahay mid culus laguna dabiibaayo Isbitaalka sida gaarka ah loo leeyahay ee Puntland Hospital sidoo kale waxa uu sheegay in baacsiga raggaasi uu dhaawac fudud kasoo gaaray mid kamid ah Ciidamada Booliska.
Gudaha Isbitaalka Magaalada Bossaso ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay 2-bastooladood oo waxyaabaha qarxa oo ay wateen kooxaha dhaawaca u gaystay sarkaal katirsanaa wasaaradda Maaliyadda iyagiina ay dilka iyo dhaawaca u gaysteen Ciidamada Booliska.

Waa markii ugu horaysay oo ay Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso gacanta kusoo dhigaan kooxaha inta badan dilalka ka gaysta Magaalada Bossaso.

Photo By Jaamac Joofane

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

2 Responses

  1. aad ayaan ugu faraxsanahay talaabaa ay qaateen Ciidamada Puntland hambalyo ayaan leeyahaya maasha Allaah.

  2. aad baan ugu hambalyeynaya ciidamada amaanka ee qaranka puntland iyo dhamman shicib weynaha reer puntland meel kasta ay jogaan intas kadib sarkaal ay moryaantani dhawaceen waxaan ilaah uga baryayaa inuu cafimaad wanagsan siiyo iyagana ilahay ciqabtodi aduun waa marsiyey tan akhirona ilahay haku dhibo .manta waxaan maqlayey niman baantuu ah oo wadanka lagu soo dhwoeyey inay dileen nin ganacsade ah suuqa iyagana qabashadoodi wa alagu gulaystay waa lahayaa iyaguna waxaay marayaan maxkmada denbiyada waana la ogaday dadka dadka layaa waxay yihiin dowladda puntland waxana ka codsanayaa dadkan ay magan gelyada siyasdeed sisayw aa in wadanka latarxiila cawanta bantuuga ah oo ka yimaday meel aan dharba laga xidhan raxanweyntan uraysa waa in dib loogu celiyaa meshi ay gajada u dhiman jireen ee baydhaba