webmaster@laasqoray.net

Ciidamada Bada ee Puntland oo Tababar Loogu Soo Gaba Gabeeyay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxwayne ku-Xigeenka dowlada Puntland General CabdiSamed Cali Shire ayaa Maanta Qudbad xasaasi ah ka soo jeediyey Xiritaankii Ciidamada Mariiniska Dowlada Puntland inkastoo aaney Si dhab ah u xaqiijin Sarkiisha Sar saree Ee Ciidanka Amaanka dowlada Puntland.

Madaxwayne Ku-Xigeenka Dowlada Puntland ayaa dhanka kale baaq u diray Ciidamada Bada ee Puntland isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwo Geesiyiin ah oo siwayn u Wiiqay Kooxihii Budhcad badeeda Somalida ah ee jaahwareeray Xeebaha Gacanka cadmeed iyo Xeebaha kale eek u teedan Degaanada Puntland.

Waxa uu sheegay madaxwayne ku-Xigeenka dowlada Puntland ahana siihayaha Xilka Madaxnimada Dowlada Puntland General Cabdisamed Cali Shire inay talaabadani tahay mid qayb ka ah Hogaanka iyo Baaxada Ciidan ee Dowlada Puntland cududeeda in dad badani ay indhohooda ku arkaan.

LaasqorayNet
Xafiiska Boosaaso

Comments are closed.