Ciidamada Maamulka la baxay Somaliland ayaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan ka qab qabtay gudaha magaalada laascaanood taasoo u aanaynayaan kadib markii habeenkii xalay ahaa lagu diley magaalada laascaanood xeer ilaaliyihii gobolka ay usoo magacowday maamulka Somaliland isku magacaabay.
In ka badan 50-qof oo isugu jira Haween ,caruur iyo weliba qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu daabulay xabsiyada burco iyo mandheera kuwaasoo la sheegay in loogu aarguddayo sarkaalka sare ee xalay lagu diley magaalada laascaanood oo kazoo jeeda magaalada bariga burco ee gobolka togdheer iyadoo ay dilkiisa ka dambeeyeen sida la sheegay dabnley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan islamrkaana ka baxsaday xiliga ay dilka gesyteen dilka kadib.
Sidoo kale hore ayaa dad dibadbaxyo dhigayey oo diidanaa kala goynta umada soomaaliyeed oo shacab ahaa loogu qab qabtay magaalada laascaanood oo qaarkood lagu diley xabsiyada mandheera iyo burco oo la geeyey waana tiro ka dhowr jeer inta maamulka isku magacaabay Somaliland ay tacadi ka dhan ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada laascaanood ay jirdil xabis u geysanayaan.
Maaha markii ugu horaysay ee maamulka isku magacaabay Somaliland uu dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada laascaanood uu u geysto tacadiyo ka dhan ah dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan islamrkaana u isticmaalo qaab aargoosi qabiil ku dhisan.
Yaasin Maxamed/LaasqorayNET
