webmaster@laasqoray.net

Ciidamada Dowlada oo la wareegey Deegaano hor leh oo Muqdisho ku yaal

Waxaa weli iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan weeraradii ugu ballaaranaa ee ay dowladdu qaado tan iyo markii xukuumadda cusub ee Ra’iisal Wasaare C/Weli la magacaabay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay saakay la wareegeen aagag dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho isla markaana ay horay ugu sugnaayeen kuwa xarakada Al-Shabaab, gaar ahaan xaafadaha MBC, Black Sea, Stadium Muqdisho, Suuq Bacaad iyo Afarta Jardiino.

Dagaaladda oo xilligaan si xowli leh uga socda wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sii qulqulayaan aagagga dagaalka, waxaana la sheegayaa in ciidamada Al-Shabaab saakay lagala wareegay aagag dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Taliyaha guutada labaad ee Madaxtooyada C/llaahi Caanood oo u waramayay bahda Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalada saakay ka bilowday ay iyagu ka dambeeyeen, isla markaana ay weerareen fariisimaha Al-Shabaab ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ilaa iyo iminka ay dileen horjoogayaal iyo ciidamo ka tirsan kuwa xarakada Al-Shabaab.

Dhinaca kale madaafiicda iyo rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac ayaa la sheegayaa inay si xowli leh uga socdaan aagagga ay dagaaladu ka socdaan, iyadoona qasaaraha ka dhashay dagaaladaasi la soo sheegayo inuu gaarayo in ka badan labaatan ruux iyo tiro intaas ka badan oo ku dhaawacmay kana tirsan dhinacyada dagaalamaya.

Iyadoo ay weli si xowli leh u socdaan dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, ayaa waxaanu idiin soo gudbin doonaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha, iyadoona ciidamada dowladda ay la wareegeen magaalada Muqdisho 80% inteeda badan.

Wararka aanu ka heleyno degaanada ka baxsan goobaha ay dagaaladu ka socdaan ee dhinaca ay maamusho Al-Shabaab ayaa sheegaya inay iyagu arkayeen firxadka Ciidamada Al-Shabaab oo ka sii baxaya Muqdisho, kuwaasi oo u jiheystay Degmada Balcad,  Afgooye iyo gobolada dhexe ee dalka.

DAAWO SAWIRADI

 

Somaliweyn+RADIO MUQDISHO+LaasqorayNET

Comments are closed.