Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna oo isku dhinac ah ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo iyadoo halkaasi ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhexeeya xarakada alshabaab iyo kuwa dowlada oo kaashanaya kuwa ahlu suna .
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo sida la sheegay taageero ka helaya ciidamo Ethiopian ah ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo kadib dagaal culus oo saaka waaberigii ka dhacay degmadaasi.
Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku daraya in wali dagaal uu ka socdo duleedka degmada hase ahaatee degmada ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna.
Inta la’ogyahay in ka badan 15-qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay in ka badan 20-kalana way ku dhaawcmeen dagaalka oo hub culus laysku weydaarsaday.
Xildhibaan maxamuud siyid aadan oo ka tirsan mudnayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo u waramayey saxaafada ayaa sheegay inay si buuxda ay gacanta ugu dhigeen degmada Baladxaawo islamarkaana dagaalka uu ka socdo daafadaha degmada hase ahaatee majiraan wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabab oo ku aadan dagaaladaasi.
yassiin maxamed cali ( faytin )
Muqdisho Somalia
