webmaster@laasqoray.net

Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Deegaanka Geedweyne Ee Gobolka Gedo Oo Kufsi Fool Xun U Geystay Haween Somali Ah Oo Ay Ku Jirtay Haweeney Uur Leh

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaanka geedweyne ee u dhexeeya luuq iyo doolw Somali ee gobolka gedo ayaa kufsi u gesytay haween Somali ah oo la sheegay inay ahaayeen xoolo dhaqato miyiga ku noolaa xili la sheegay inay ku guda jireen raacashada xoolahooda.

Haweenkan la Kufsaday oo ay ku jirto haweenay uur lahayd sida uu saxaafada u sheegay seygeedii oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa tilmaamay inay ciidamada Ethiopia u gesyteen labo haween ah oo ay ku jirto xaaskiisu kufsi xun oo ay dhibaato kazoo gaartay haweenkii la kufsaday islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabatay ilaa iminka.

Sidoo kale deegaanka geedweyne oo u dhexeeya degmada dooloow Somali iyo degmada luuq ayaa ciidamadan ethgiopianka ee la sheegay inay kufsiga gesyteen ay ahaayeen ciidamadii kaabayay kuwa dowlada KMG ah Somalia ee dhowaan la wareegay gacan ku haynta degmooyinka beledxaawo iyo luuq oo ay hore gacanta ugu hayeen xarakada alshabaab.

Seyga haweenayda uurka l;ahayd ee la kufsaday oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaskiisa oo uurkedu ahaa shan bilood ay iminka la il daran tahay xanuun kazoo gaaray kufsigii islamarkaana carabka ku dhuftay in ilamaha uurka ku jiraana uusan lahayn wax dhaq dhaqaaq ah.

Ma jiraan wax war ah oo kazoo baxaya masuuliyiinta dowlada KMG ah eek u sugan gobolka gedo oo wax yiri kufsiga loo gesytay haweenkan islamarkaana ay fara xumeeyeen ciidamada Ethiopia eek u sugan deegaanada gobolka gedo.

Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho

Comments are closed.