Duqeymo loo adegsaday madaafiic oo ay dad rayid ah ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen ayaa manta ka dhacday gudaha Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magalada Muqdisho xili aysan jirin wax dagaal ah
Inta la og yahay 5 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacantay Duqeyn ay maanta Ciidamada midowga afrika ee AMISOM ay ku garaaceen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo la sheegay inay dhamaantood ahaayeen dad rayid ah ayaa ku sugnaa gudaha suuqa bakaraaha xili aysan jirin wax dagaal ah oo ka jiray guud ahaan magaalada muqdisho islamarkaana la sheegay inay Madaafiicdu kasoo dhacaysay Xarumaha Ciidamada AMISOM.
Gawaarida gurmadka deg dega ah AMpulance –ta loo yaqaano ayaa saxaafada u xaqiijiyey inay qaadeen dhaawaca 21-qof oo rayid ah islamarkaana ay arkeen dhimashada 5-qof oo iyana rayid ah oo ku sugnaa goobta madaafiicda kusoo dhacday ee gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho.
Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada idowga afrika ee AMISOM ay duqeeyaan goobaha ay degan yihiin dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan tiro ka dhowr jeer ayay ahayd markii ay ciidamada AMISOM duqayn ay geystaan ay ku nafwaayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
