Ciidamo Ethiopian ah oo ku hubaysan Gawaarida gaashaaman oo ay wehelinayaan kuwa Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Ethiopia oo loo yaqaano copy Ethiopian ayaa maanta fariisimo cusub ka samaystay ka sameystay deegaano u dhow degmada gurey ceel kuwaasoo maali ka hor soo degey degmada dhuusamareeb ee gobolka galguduud islamrkaana si rasmi ah u degey xeradii hore ee ciidamada 21-aad
Sida ay shabakada laasqoray u xaqiijiyeen ilo wareedyo halkaasi ku sugan ayaa sheegaya in degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud subaxnimadii hore ee saaka kasoo ruqaansadeen iyagoo ay wehelinayaan ciidamo kale oo taabacsan maamulka la baxay ahlu suna iyagoo kusoo jeeda degmooyin ka tirsan gobolkaasi xili ay gacanta ku hayaan inta badan gobolka galgduud xarakada shabaabul mujaahdiin
Sidoo kale Deegaanada ay fariisimaha ka sameysteen ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Soomaali copy-ga ahi ayaa waxaa ka mid ah sida la sheegay deegaano ku dhow dhow degmada guray ceel Beerxuuteeye oo qaarkood dhinaca bari kaga beegan yihiin Degmada Dhuusamareeb iyo deegaanka Bulacle, iyadoo deegaanka Bulaclana la sheegay in ay isku faafiyeen, waxaana la sheegay in xiisado iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga deraamayo deegaanada gobolka galguduud .
Dhinaca kale xarakada shabaabul mujaadiin ayaa ciidamadeed la geliyey Heegankii ugu dambayey islamarkaana la sheegay inay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanada gobolka galguduud oo ay gacanta ku hayaan
Yaasin Faytin, Muqdisho, Somalia
