webmaster@laasqoray.net

Ciidamo uu horkacayo Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo xirey Dekedda weyn Magaalada Muqdisho.

Ciidamo aad u hubeysan oo Wata laba gaari oo Tekniko ah ayaa Gebi aan Xirey Howlahi Dekedda weyn  Magaalada Muqdisho waxaana la sheegey in Ciidamdaas ay Daacad u yihiin Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux waxaa Ciidamadaas ay geleen Gudaha Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho waxayn ku amreen Shaqaalihii Dekedda in ay isaga Baxaan Dekedda Gudaheeda Ilaa amar  Dambe

Waxaa lagu waramey in Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux  uu u sheegey dadkii uu la kulmey in Sababaha Dekedda loo xirey ay tahay ka dib markii wax uu ugu yeerey Musuq- Maasuq ay hareeyeen Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho  isagoo sheegey in inta laga saxayo arimahaas ay dekedda Xirnaan doonto

Dekeda ayaa la sheegey in ay ka socdeen Howlo isugu jira Dejin iyo rarid  ilaa hadda ma cadda Sababta  ay ciidamadaas Dacada u ah Maxamed Jaamac Furux ay u xirteen Dekedda balse warar ayaa sheegaya in xildhibaan uu ka caroodey markii la sheegey in uu waayey Xoogaa lacag ah oo uu ka qaadan jrey Xildhibaanka  inkastoo wararkaas aan la hubin

Ciidamada AMISOM oo iyaga gacanta ku haya Dekeda  ayaa waxa ka qaban Xanibaadaas ay sameeyen Ciidamada Furux waxaana la sheegey in ay dusha ka daawanayaan waxa ka dhacaya  Dekedda  sidoo kale Dowlada Federaalka ayaa wax war ah ka so saarin Xirnaashaha dekeda oo iyadu bulshada u haysey Howlao muhiim ah

Xildhibaan Maxamed Jamac Furux wuxuu ku doodaa in uu ahaa shaqsigii Badbaadiyey Dekedaas isla markaasna intii uu dfaacayey ay waxyeelo ka soo gaartey hase yeeshee Xiligaan Xildhibaanka wuxuu ku doodayaa in dekeda ay ka jirto Musuqmaasuq aad u baaxad weyn waana markii ugu horeysey oo xildhibaan ka tirsan Dowlada uu xirto ama xanibaad ku sameeyo Howlahii Dekedda

Hagaamiya kooxeedyadii mar ka talin jirey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa moodaa in ay haatan bilaabeen Dhaqdhaqaaq aad weyn iyadoo dhawaan shaaca uu ka qaadey Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad uu ku dhawaaqey in uu gabi aanba isaga baxay Dowlada Federaal waxayna ciidamadiisa ay ku sugan qaybo ka mid Degmada hodan iyadoo dhawaan markii uu Raiisul Wsaaraha uu magaacabayey Golhiisa wasiirada uusan ku soo darin Xukumadisa qabqablayaashi Dagaalka ee Soomaaiya sidoo kale Xirnaansha Dekeda Muqdisho waxay weji gabax ku tahay Dolwada Federaalka oo iyadu sheegata in ay maamusho Dekedaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Comments are closed.