webmaster@laasqoray.net

C/raxmaan Faroole oo Safaarada Mareykanka ee Kenya u keenay Sawiradii Meydka Raggii Maxaabiista ahaa ee uu laayay.

Warbaahinta LaasqorayNet ayaa Xog Ramsiya ka heshay Safarkii Madaweynaha Maamul Goboleedka Puntland  uu ku tagay  Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya, warbixintan ayaa waxay daaha ka rogaysaa tuhun ay qabeen dad badan oo reer maakhir taas oo ku aadan in uu Faroole iyo Xog hayihiisa Ilkajiir ay lacag faro badan ku raadinayaan Sawirirdii Raggii Maxaabiista ahaa ee ay ku toogteen Gudaha Magaaladda Boosaaso.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan faroole iyo Xoghayihiisa Ilkajiir ayaa 20-kii bishan safar ku yiimi Magaaladda Nairobi ee xaruunta dalka kenya yagoo uga sii gudbyay Wadanka Kuwait, hadaba warbaahinta LaasqorayNet ayaa ka hor inta uusan u gudbin Shaley dalka Kuwait waxay ka heshay  warbixin dhameystiran ujeedada Safarkii ay ku yimaadeen Dalka kenya.

Warbixintan oo ay si sira nagu soo gaadhiisyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo qaarkood Safarka ku weheliyaan Madaxweyne Faroole ayaa waxay ahady sitan.

Madaxweyne Faroole iyo Xoghayihiisa Ilkajiir ayaa  maalin kadib Safarkii ay ku yimaadeen Magaaladda Nairobi  oo ku beegnayd 21 Bishan maalintuna ahayd  Axad ayaa waxay si toosa u abaareen Xaruunta Safaarada Mareykanku ku leeyihiin Kenya wararku waxay intaas ku darayaan in ay siteen Bushqado Waa weyn oo ay ku jiraan 7 Sawir oo laga sooqaaday Ragg Maxaabiis ahaa oo ay ku toogteen gudaha Magaaladda Boosaso.

Ragga ay Sawiradadoodu wateen ayaa waxaa kamid ahaa Jaamac Cismaan Dulcaale oo ku magac dheeraa Doonyaalo islamarkaana ay gudaha magaaladda Boosaaso si arxan doro ah ugu dileen kooxda Ashaada la dirirka ee PIS-ta isagoo maxbuus ah.

Sidoo kale sawirada ay wateen ayaa waxaa kamid ahaa Siciid Cismaan Siciid (Suudeysi) iyo Axmed Faarax Daarood (Muxsin) oo dhawaan ay labadoodaba ay ciidamada PIS-tu ku toogatay Duleedka Magaaladda Boosaaso.

Intaas Waxaa dheer Afar Wiil oo Reer Galgala ah oo yana si qarsoodiya loogu dilay Xaruumaha PIS-ta ee Magaaladda Boosaso waxaana dhamaan raggaas sida kibirka ah loogu dilay Gobolka Bari ee halka qabiil kasoo wada jeeda lagu shaan badeeyay Argagixso si ay Lacago Farabadan uga helaan Dowladda Mareykanka.

C/raxmaan Faroole ayaa si weyn ugu qanciyay Safaarada Mareykanka in uu ahaa Jaamac Doonyaale Argagixso Caalamiya isalmarkaana xidhiidh la leh Al-qaacida Waxaanu  wararka ku helaynaa in  Faroole ku yir  Fiiri Sujuuda ku taala iyo Gadhku intuu leeg yahay miyuusan argagixiso kuula muuqan ninkani.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo taagan dhinaca Faroole ayaa isna yiri sitan, Ninkan anaga ayaa isku beel hoose sii ah marka laga yimaado Warsangali Waxaana maqli jiray inuu argagxisida lug ku leeyahay aniga oo jooga Wadanka Mareykanka markaa waa inaad ku qanacdaan waxaan idiin sheegno.

Waxaanu marka hore  ka xunahay inaan Akhristayaashada u soo bandhigno Waxyaabo naxdin galinaya  balse waanu ka fursan weynay inaan idin tusino Sawirada ceynkan oo kale ah oo ka baxsan Shuruucda Islaam iyo bili aadan tinimadaba.

Laasqoray.Net-
Laasqoray.Net@gmail.com

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

14 Responses

  1. TO: BASBASO,, QAAJII

    maskax yari ayaa ku haysa ama qof yar ayaan u wada inaadtahay …. waxaad kahdalysid lama garanayo hadana waad isqancisay, doqonimo iga dheh.

    Horaybaa baa loo yiri ilko iyo carab ayaa isku dhow wax is qaniina.

    arintan waa mid qoys, qoys ka ayeeyna u talaa xalinteeda ee sidaa u ula soco wakhti badanna haku dhimin ayaan ku oran lahaa …. anaka,dhulbahante iyo majeerten hadii aanu is qab-qabsano iyo hadii kale dadka kale shaqo u taala ma’ahan.

  2. ILKA JIIR WAA LOO HAR, WAAN KU KHASAARNAY, BALSE LOOMA NOQDO.

    WAXAAN JIRIN AYUU NOQDAY TOLKIIS BUU FAROOLE KA GADAY.

  3. inaalilaah waa inaah raajcn allah maxa imaan lii maadad kiina puqlaand maa jeebab kaay kuu qaaten see xoolo loo siiyo waale waa dhaqaan xumo haadhagi faaqash taa ee haa idin kuu tagnaato ,,,intaad soomalilander kaa caraar tiihin saas ayaa idiin daanbaay ,,,ihi ,,ihi,,,ihi…ihi…reer uqdadeeysan igaa dhee oo virus qaabil haayo ,,,bintuland ,,,buhodle…iyo warsengali ,,,, waaliba,,,hablihina laa gadenaya haadad qaabil kaan caantaynka ah joojin waaydan ihi..ihi..ihi.. lolz

  4. magacalagu qarabanayo ayaa igu daran wasangali iyo dhulbaantow goormaad tashani doontaan oo ciddaan waalan ee bahalowday oo maydadka wadato aad kahari doontaan
    intay goori goor tahay
    dadkiinna dhinac karaaca oo somali wax l;aqaybsada

  5. Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.
    Reer tolkey ma hadey gaadheen in maydadkooda lacag lagu raadsado. Majeerteen Soomaali oo dhan baa ka quusatay balse waxaa nasiib daro ah kuwa sheeganaya Warsangeli siiba gabanka ka yimid xagaa iyo Mareykan ee Ilka dooli. Warsangelow cidi idiima maqna ceelna idiima qodna ee goormaad hurdada ka kaceysaan. Bilaahi Caaleykum hurdada ka kaca.

  6. TO: DAMAL.

    …..
    DADKA UGU NASIIBKA BADAN AYAANU NAHAY ADUUNKA HADANA UGU LIITA, HADII HOGAAMIYASHII XUMADEEN WAKHTI AYAA BADALI IYAGUNA CIDNA AXSAAN UMA HAYAAN EE DANTOODA AYEEY IAALSHANAYAAN ….. DADKU WAXAY U BAAHANYIHIIN MA AHA XABAD EE WAA WACAYGALIN IN WAX LABARO DIINIYAN, SOMALIYAN SI AY XORIYADII,SHARAFTII IYO KARAAMADII AY LAHAYEEN DIB UGU SOO CESHTAAN ADUUNKA AYAGOON CIDNA WEYDIISAN AQOONSINA KA RAADSAN ….. UGAMA BAAHNIN WADAMO KALE AQOONSIGEENA IYO CAAWIMO EE WAA INAAN KU FARAXNAA WAXAANUNAHAY IYO BAXAADDA DHULKA WEYN OO AANU KU FADHINO IYO SOMALIDEENA OO AH DAD FIRFIRCOON …… WAANA INTAAS INTA CADAWGA NALAGUYAHAY EE FAHMA SOMALIYEEY WALAALAYAAL!!!!!!!!!

    HAL MID OGAADA AMA XASUUSNAADA… SOMALIDU DAD FULIYO MA AHAN TARIIKHDA DAGAALO BADAN AYEEY SOO MARTAY WADAMO AWOOD BADAN KULAHAA ADUUNKA WEYNA KA GUULEYSATAY. HORAYBAA WAXAA LOO YIRI HADII UU SHACABKU FIICANYAHAY HOGAAMIYUHANA WUU FIICANYAHAY HADII UU SHACABKU XUNYAHAY HOGAAMIYUHUNA WUU XUNYAHAY ISNA.

  7. To: damal.

    Ma ahan wax warsangali y gaar ah qabiilo badan ayeey haysataa sidaas … Magaaloyinka aad sheektayna sida garowe iyo hargeysa nasiib kooda ayaa ugu beeegay ….. Midna laami dheer ayaa mara iyo tagada weyn …. Midna casimaadii labaad ayeey weeye airport iyo takad weyn leh (berbera) weeye …..
    …… ilaha dhaqaala waxaa dhisi kara dowlad aanan laalush lahayn dhaqaalana leh ama hadii ay shacabku ka gonyahay horumar inuu gaaro, calikulaxaal hadii uu san gobalku lahayn wado waa geerigon horumar weyna kuma talaabsado sababtoo ah kaabaha dhaqalaha waxaa kamid ah laamiga, airport yada, tagadaha wixii kalena wuu daba socdaa sida dhismayaasha iyo manpower ka.

    Aniga asaliyan sanaag ama maakhir loogu yeero waxaana ku fanaa kuna qanacsanahay inaan dalka oo dhan somaliya ka soo jeedo somalina ahay …… shaqsiyanna ma jecli wixii xabad wada oo isleh xal ku keen, dhinacuudoona haku aadiyee ama puntland ama somaliland ama koonfurta (shacabkaaga oo xasilan xabad laguma bilaabo) …. Filim kaas waanu ku daalnay 30 sano ee la soo dhaafat tariikhada somaliya siiba 20 sano ee ugu danbeeyey ayaa noogu filan wixii nasoo maray.

    ………… fadlan akhri qeebta 2 kor

  8. Sida Ilka-jiir uusan Warsengeli u matalin oo kale ayaan Faroole iyo dawliisa cidna ma’matalaan. Majeerteen iyo Harti iyo Darood toona ma’matalaan. Kuwa majeerteen ah ayaa Ducaaale lala toogtay. Inta majeerteen ka ah ee dhan a Atam ku dhimatay ayaa ciiddaas ka badan.

    Waa calooshoosa madharagtadaa u shaqaystayaal aan Alle iyo aadane toona aqoon.

    Yaa doodrtay? 60 kharbuud oo laaluush qaatay ayaa doortay oo kakooban inta dagta gobolada lagau magacaabo Puntland.

    Warsegeli waa walaalahayo aan cid kale iska daaye majeerteen ka qaarkood ka jecelnahay, ee nimankaa daalimiintaa waa in meel looga soo wadajeestaa.

    • TO: ABDI ISSE.

      hadak kooban oo xigmedeysan maansha Allaah waxaa halkaa ka cad in xubnii jirka ee somaliyeed wax kanool yahay sida dad adiga iyo kuwa lamid ah …. puntland quranna ma ahan dhibtu somaliya oo dhan weeye …. waa ragaas oo kale cidda somalida meesha dhigtay.

      Qaab nabad waa in isbadalka lagu keena …… waxaan aaminsanahay somali ama 10 wadan oo yar yar haloo kala qeebiyo ama sidii xayawaankii qabqablayaal dagaal ha iskugu direen ayagoo halba magac adeegsanay ama marbaa wax nalagu sameeyey iyo IWM ….

      somaliya dib ayeey iskugu iman iyagoo isku ooman, wadan xoog badan oo dhulkiisa soo ceshta ayuu noqon Illaahay idinkiis dadkuna danaha dalka iyo shacabkeena ayeey ka hormarin danaha qabiilada iyo shaqsiyaadka. diintana sharafta badanna waa la kareemen.

  9. waxaan la yaabanahay, dadka naxariis ka eegaaya mr faroole, balse ha ogaado faroole in warsan geli ogyahay godobta, uu ka galay, waxaanse la yaabanahay, ninka halka lagu soo sawiraayo meydkiisa, hooyadii yay ahayd, ma midgaan bay ahayd mise majeerteen. suaashaa ninkii garanayaa, haygab soo jawaabo, waxaan maqlay ninkani qabiil majeerteen ah ayaa dhalay, mase rumaysan. warsangelina yaanu ku tashan majeerteen,, ee ha tashado. kuwa u shaqaynaya maamulka faroolena waxaan leeyahay ninkii qayrkii loo xiirayoow soo qoyso,, idinkaaba laydin gaadayaa gooshkan dabadiise.

  10. walaal damal ninkani goormuu umada dan ka lahaa yaah isagu kolka hore puntland uguma tala galin reerahanee ee majeerteen uun baa loo samaystay yaah. mida kale waxaan la yaabay sida fudud ee uu mayd usii xambartay. waar ma dad qal miyuu ahaa. sawirkani wuxuu ka tarjumayaa inta qof ee farole ku maqan iyo inta dad ee uu iska laayay dagalkii galgala ee umada reer maakhir.

  11. ninkan faroole kolay waa mid madaxa ka jiran waayo yaa yidhi maydad umada horgeeya mise qalbiga ayuu ka dhintay mise dad qalato ayuu ahaa. yaah weligay maan arag nin inta uu meed soo qaato soo sawirta oo horgeeya tv yada iyo safaaradaha caalamka. meeshan dad qalnimadiiisa ayuu ku sharxayaa. bismilaah mise waa ma naxow.

  12. bismilaahi raxmaani raxiim maxaad ninka meedka ah noogu soosawirteen qofkastuu yahay ba dad buu kadhashay oo aragtidiisa caynkan ahi dhibaysaa e miyaadaan muslim ahayiin
    waan ogahay oo dab baad hurinaysaan e sawirkan meesha kasaara oo xurmada meeydku leeyahay siiya marxuumka

  13. Doqonay dabkaa ba’!!!!!Gartay Faroole and co. oo maalinwalba mashruuc iyo maalgelin baa loo sameeya gaalkacayo,garoowe,Qardho iyo Boosaaso iyo Qaw!!! bal dhegayso warkii waxqabad ah ee Puntland laga so weriyo oo car ka hel sadexdaa gobol waxka baxsan. waayaabe doqmaha ku daba jiraa adeerayaalo wax calooshooda ka weyn miyaa la siiya oo horumar sanaag ah aan ka ahayn in dhiiga wiilashooda bacaadka boosaaso ka dhergo..War adeerayaaloow ENOUGH IS ENOUGH we don’t want to be USEFUL IDIOT Doqon ihi ihi ihi leh lama noqdee dadnima la yeesha ee waa in salaatu Jinaaza iyo faataxa loo mara Waxa Puntlandta loogu yeedho. Warsangelina afarta GAROOWE iyo Hargeysa calooshood la cayaarka ah ee jooga maahee magacan la dilayo ha la badbaadiyo.