webmaster@laasqoray.net

Cuduro ka dilaacey Magaalada Muqdisho

Cudurka Shuban biyoodka ayaa ka dilaacey magaalada Muqdisho iyadoo cisbitaalada Magaalada Muqdisho la dhigey dad tiro badan oo bukaan ah isla markaana la ildaran cudurkan iyadoo ay u badan yihiin cayaalka iyo dumarka.

Cisbitaalka  Hooyada ee Banaadir ayaa maanta la dhigey tiro dad ah oo kor u dhaaftey 100 iyadoo ay dadkaasi u badan yihin cayaal iyo hooyooyinkood.

Cudurkani kuma eka Magaalada Muqdisho e waxaa dadka qaarkood laga keeney Gobolada la deriska ah Banaadir sida Shabeelaha Hoose iyo Kan dhexe isla markaana ay dadkani la ildaran yihiin abaaraha ka jira Goboladaas.

Cayaalka ayaa intooda badani waxaa ka muuqata nafaqo daro iyadoo Dowlada Soomaaliya aysan ilaa iyo hada wax war ah ah ama qorshe ah kasoo saarin bukaankan la keeney cisbitaalada.

Gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka taagan Abaaro iyo dhibaatooyin isla markaan ay tani u dheeraan toodo dadka tabaaleysan ee goboladaasi.

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.