webmaster@laasqoray.net

Cumar Xaaji Cali oo ay Bilad Sharaf Siiyay Hay’adda Bisha Cas Kuwait

Kuwait:-Haydda Bisha Cas ee Kuwait ayaa Siisy Cumar Xaaji Cali Bilad sharaf lagu maamusayo doorkii u ka qaatay gaargaarkii abaaraha  ee Soomaliya  taasoo dalkaasu uu ka qaatay door aad u weyn oo  dadka Soomaaliyeed uu xususan doono. Kuwait waxay ahayd dalka ugu horaysay uu gurmad degdeg ah gaarsiisa dadkii Soomaaliyeed ee abaarrah ba,anu ku habsadeed iyadoo cir iyo badba sii marisay.

Cumar Xaaji Cali oo Safaarada Kuwait ee dalka UK u qaabilsan dhanka Warbaahinta ayaa Markii ay soo Ifbaxday Abaarihii Somaliya ee dabada Dheeraaday waxa uu Gargaar Cuntooyin ah Geeyay Dalka Somaliya isaga oo ay Safarkiisa ku Weheliyaan Saraakiil Sar Sare oo ka Tirsan Hay’adda Bisha Cas Kuwait Halkan ka Daawo Sawirada Muqdisho

Deeqdaasi isaga oo ka hadlyay qaabka loo qaybinayo iyo Fariin uu Dowlada Kuwait uga sido Shacabka Somaliyeed ayuu Waraysi uu siiyay BBC-da ku sheegay Sidan  Waraysiga Riix Cumar Xaaji Cali

Deeqdaasi Caasimada Somaliya ay Gaysay Dowlada Kuwait Kuma ekayn kaliya Gobolada Koonfurta Somaliya e waxa Laga qaybiyay sidoo kale Gobolada Puntland oo Laftigoodu la daalanaa Abaaraha Somaliya

Cumar Xaaji Cali iyo Koox ka Tirsan Bisha Cas Kuwait ayaa Bosaaso ka qaybiyay Deeqaasi Raashinka ah waxana loo qaybiyay 2000, oo Qoys Deeqaasi ayaa qaybinteeda waxa Gacan ka siiyay Hay’adda Bisha Cas Dallada Daryeelka  Bulshada ee Fadhigeedu yahay Puntland  Sawirada Deeqda Bosaaso Daawo

Bisha Cas Kuwait Markii ay Deeqda Bosaaso ka qaybisay waxay Sheegtay inay Gobolada kale ee Somaliland ay Gaadhayaan sida Magaalada Hargaysa oo iyana Deeq taasi la mid ah Laga qaybindoono.

Waxa xusid mudan in Gobolka Sanaag Magaalada Badhan dhawaan Deeqdaasi ay ka qaybisay Hay’adda Bisha Cas Kuwait iyada oo Wakiilatay Urur Maxali ah oo Gobolkaasi ka shaqeeyay iyo Maamulka Degmada Badhan oo isna Kaalin Xoogle ka qaatay Daawo Sawirada

Isku soo wada duuboo Dadaalkaasi dheeraad ah ee ay Bixisay Dowlada Kuwait iyo Masuuliyiinta Somalida ah ee la shaqaysa Bisha Dalkaasi waxay Garteen in Abaal marin dhanka Horumarka ah la Gudoonsiiyo Cumar Xaaji Cali oo Hormuud u ahaa Deeqdaasi inta badan Somaliya laga qaybiyay.

GalGalanews.com/Bosaaso

 

Comments are closed.