webmaster@laasqoray.net

Cumar Xaaji Cali oo BBC-da uga waramay Deeqda Kuwait

Cumar Xaaji Cali  isla markaana Safaarada Kuwait  ee dalka UK u Qaabilsan Arimaha Warbaahinta ayaa BBC-da Waraysi siiyay isaga oo Wakhtigan ku Sugan Dalka Kuwait, Faah Faahiyay Deeq Gargaar ah oo Dawlada Kuwait ugu deeqday Dalka Somaliya Abaaraha ka Jira.

Cumar Xaaji Cali wuxuu Carra baabay in Deeqdaasi ay u badan tahay Raashin Gaar ahaan Cuntada Fudud isla markaana Lacagtaasi oo  Gaadhaysa 10, Million oo Doolar waxa uu xusay in Raashin dalka Gudahiisa laga iibinayo taasi ayuu sheegay inay Suura Gal tahay.

“Khamiista waxa Baxaya Laba Diyaaradood oo Deeqdaasi sida ilaa Khamiista danbe waa la rajaynayaa inay Deeqaasi Socoto  Markaa waxa lagu wareejinayaan Dawlada Somaliya Laakiin  Arimaha deeqda waxa qaybdoona  si Toos ah Hay’adda Bisha Cas walow aanu anagu Marka hore la qaybinayno” Ayuu Yiri Cumar Xaaji Cali.

Cumar  Xaaji Cali ayaa u Mahadnaqay Amirka Dalka Kuwait oo Tibaaxay inuu Yahay Nin Somalida Jecel oo wax badan u qabtay.

Cumar Xaaji ayaa Tibaaxay in Dowlada Kuwait marka  ay AAfooyinka  waxa ka qabanayso ay  Gargaarka sii Mariso deeqdaas Bisha Cas Somaliya taasi oo deeqaasi Qaybindoonta

Wakiilku waxa kaloo Amaanay   Safiirka Somaliya ee dalka Kuwai oo uu  Qeexay inuu  Shaqo Fiican hayo isaga oo Cadeeyay in Safiirku uu dhankiisa ka wado Abaabul ah  sidii Dalka Somaliya Macaawimo Loo Gaadhsiin lahaa Barbar socota Tan Dawlada Kuwait ay ku Dhawaaqday Maanta

Waraysiga Riix Cumar Xaaji Cali

Galgalanews+LaasqorayNET

 

Comments are closed.