Abaaraha iyo barakaca Soomaaliya ku habsadey ayaa waxaa lagu tilmaamaa kuwii ugu xumaa ee ka dhacay mudo ka badan 90 sano. Abaarahan oo saameyn ku yeeshey dadka iyo duunyadaba ayaa waxaa ay dad badan ku cabireen dareenkooda iyo sida ay u arkayaan.
Heestan oo la magaceedu yahay Gargaar ayaa ah mid Gargaar xaga rabi loogu baryayo Ummada Soomaaliyeed isaga ayaa wax la warsado ugu weyn. Heestan oo uu soo saarey Fanaanka Da’da yaree ee ah fanaanka ugu da’da yar ee fanaaniinta Soomaaliyeed ahna wali ardey dhigta dugsiga sare Jaabir Jarkabood, ayaa waxaa garaacay isla markaana miraha curiyey laxanka ku ladhay Saalax Doonyaale.
