webmaster@laasqoray.net

Daawo Sawirada Kalfadhigii Golaha Degmada Badhan

Badhan:-  Waxa saaka subaxnimadii si rasmi ah u furmay kalfadhigii golaha degaanka ee degmada badhan , waxana ka soo qayb galay maamulka Gobolka, laamaha dawladda , ciidamada kala duwan , xildhibaano ka tirsan barlamaanka PL, xildhibaanada golaha degaanka, cuqaasha , culimada , dhallinyarada , guurtida, haweenka iyo bahda saxaafadda.

Ugu horrayntiina waxa khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyey guddoomiyaha golaha degaanka Md. C/risaaq Axmed Ciise, oo u mahad celiyey dadkii suurta geliyey samaynta maamulka golaha degaanka , ayna ugu horreeyaan wasaaradda arimaha gudaha ee PL  iyo cuqaasha degaanka, wuxu kale oo carrabka ku dhuftay hawsha u taal maamulka cusub iyo sida ay lagama maar maan u tahay in gacmaha la is qabsado si looga dhabeeyo himiladeenna oo ku kooban afar kelmadood ; Midnimo , Nabadgelyo , Wada Shaqayn Iyo Horumar “ ayuu yidhi maayarku.

Waxa iyaguna halkaas khudbado dhaxal gal ah ka jeediyey xildhibaanada kala ah : Cismaan Dalmar iyo Axmed Cali Xaashi oo labaduba soo qabtay xilka guddoomiyenimo ee barlamaanka PL , waxayna sheegeen iney aad ugu faraxsan yihiin golaha degaanka sida fir-fircoonida leh ee ay u hirgeliyeen kalfadhiga 1aad ee golaha muddada aad ka u kooban oo aan hore looga arag golayaasha PL, waxayna ku dheeraadeen dar-daarankooda ku aaddan masuuliyadda maamulka cusub iyo sida loogu baahan yahay hawl karnimo iyo dulqaad , dadweynaha waxay ka codsadeen iney garab istaagaan maamulkan dhowaan la yagleelay. Waxana xusid mudan in labadan xildhibaan ay ka mid ahaayeen dadkii ugu muhiimsanaa ee ka shaqeeyey hirgelinta maamulkan , sidoo kalena wixii khibrad ah u gudbiyey intii la diyaarinayey qabsoomidda kalfadhiga 1aad ee golaha.

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa : Guddoomiyaha gobolka Sanaag Md. Maxamuud Siciid Nuur , Islaan Xuseen Xaaji Cabdi , Nabadoonada kala ah : C/laahi Cabdi Cabdi Ibraahim iyo Xasan Faarax, W/NB Xaaji Xuseen Dilaaye .  Xaaji Caydiid Jaamac Dibad oo  ku hadlay magaca ganacsatada , Yuusuf Cali Fanax oo ku hadlay magaca Qurbe joogta, Faadumo Axmed Dhahar oo ku hadashay magaca haweenka, Maxamuud Axmed Salaad oo ku hadlay magaca Dalladda Dhallinyarada , Xaawo Xasan Xujeele oo buraanbur guubaabo ah ka jeedisay , waxana ugu danbayntii lagu soo gunaanaday gabay xamaasad iyo murti xanbaarsanaa oo uu halkaas ka tiriyey abwaan C/laahi Yuusuf Xayle ( Bilaadi ).  Dhammaan dadkaasi waxay wada ballan qaadeen iney la shaqayn doonaan maamulka cusub , sidoo kalena ay rajeynayaan in degmooyinka kalena laga hirgeliyo gole degaan. Waxa kale oo xusid mudan in xafladdii  furitaanka kalfadhiga golaha degaanka lagu casumey Suldaan Siciid Suldaan oo ku sugan magaalada Badhan , hase yeeshee aanu ka soo qayb gelin.

Waa markii ugu horreysey oo kalfadhi maamul lagu qabto degmada Badhan muddo 20 sano , waxana bulshada degaan yididiilanayaan in rajo wanaagsan ay muuqatay , lagana bixi doono kala daadsanaantii iyo maamul la’aantii keentay horumar la’aanta ka jirta degaanka.

DAAWO SAWIRADA

Marti Sharaf kasoo qeyb gashey kalfadhiga Golaha

Marti Sharaf kasoo qeyb gashey Kalfadhiga Golaha Deegaanka Badhan

Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale.

Xildhibaano, Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa

Islaanka Beesha Warlabe oo jeedinaya Khudbad

Guurtida oo lagu casumey Kalfadhiga 1aad ee Degmada Badhan

Guuritada oo ka dhex muuqata Furitaanka Golaha Deegaanka

Nabadoon Cabdullahi Cabdi Ibraahim oo erayto ka jeediyey goobta shirka

Nabadoon Maxamuud Xasan  oo isna ka hadley madasha shirka

Maxamuud Ciyoon / Badhan

 

Comments are closed.