webmaster@laasqoray.net

Dagaal ba’an oo ka dhacay Degmada Galgala ee Gobolka Bari

Dagaalo faraha looga gubtey ayaa waxay saaka ka curteen degmada Galgala ee Gobolka Bari oo aan sidaa uga fogeyn Xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland ee magaalada Bosaaso iyadoo uu dagaalkani dhaliyey khasaare isugu jirta Dhimasho iyo dhaawacba.

Dagaalkan ka curtey degmada Galgala ayaa waxa ay dhaceen kadib markii ay ciidamo ka amar qaata wadaadka Maxamed Saciid Atam ay weeraro isdaba joog ah kusoo qaadeen ciidamada Amaanka ee Degmada Galgala isla markaana in mudo ah la wareegay gacan ku haynta Degmada Galgala.

Dagaalkan ayaa ilo madax banaan waxay sheegayaan in khasaaraha ugu badnaa uu soo gaarey Ciidadama Dowlada iyadoo ay si kedis ah loosoo weerarey isla markaana dhowr jiho laga soo weerarey.

Degmada Galgala ayaa waxay aheyd goobihii ugu waaweynaa ee Dagaalkii Bartamihi 2010ka isla markaana u dhexeeyey ciidamada Dowlada Puntland iyo maleeshiyo taabacsan Sheekh Maxamed Saciid Atam oo u dhashey Degmada Bosaaso gaar ahaan Galgala .

Khasaaraha dagaalka ayaa sida ay sheegtey Dowlada Puntland waxa uu yahey in dowlada laga laayey 5 Askari, dhaawacuna uu intaa ka badan yahay isla markaana dhinaca kooxda weerarka soo qaadey laga laayey 25 qof, Warkan maaha mid madax banaan oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaase warar laga helayo ilo madax banaan ay sheegayaan in Puntland laga laayey askar intaa ka badan oo kor u dhaafey 30meedyo iyadoo dhinaca kale ee weerarka laga laayey 3 qof iyadoo isla markiiba la aasey dhimashada dhinaca weerarka soo qaadey.

Madaxweyne Faroole oo hore u iclaamiyey in dagaalkii Galgala uu ku guuleystey ayaa arintani waxay ku noqoneysaa weji qabax iyadoo wadaadka mayalka adag ee Sheekh Atam oo ciidamadiisi iyo hubkoodiiba kala baxay tuulooyinka isla markaana aad moodid inuu dibu habeyn ku sameeyey.

Talaabada soo socota lama garan karo iyadoo dagaalku uu yahay mid hada dib u curtey oo kuleylena ah iyadoo ay adagtahey macadaatka waaweyn in la geeyo buuraha Galagala.

LaasqorayNET-Bosaaso

Comments are closed.