webmaster@laasqoray.net

Dagaal Culus Oo Maanta Markale Ka Qarxay Waqooyiga Magaalada Muqdisho Gaar Degmada Boondheere

Dagaal culus ayaa maanta markale ka dhacay magaalada muqdisho dagaalkaaso oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa ka dhacay demada boondheere ee waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa ka qarxay saaka waaberigii xaafado kuyaala degmada Boondheere ee magaalada muqdisho ayaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo ay mudooyinkii ugu dambeeyey isku horfadhiyeen meelo kamid ah deegaanadaasi ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale dagaalka oo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa diryanka madaafiicda laga maqlayey guud ahaan magaalada muqdisho xili ay weerar ku qaadeen fariisimo degmadaasi Boondheere ay ku lahaayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, xarakada alshabaab iyadoo labada dhinacna ay guulo ka kala sheegnayaan dagaalkaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabakada laasqoray u sheegay in dagaalka xoogiisu uu ka dhacay isgoyska degmada Boondheere halkaasi oo labada dhinac ay isku horfadhiyaan, waxaana wali la maqlayaa dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac
Yaasin Maxamed, Muqdisho

Comments are closed.