webmaster@laasqoray.net

Dagaal ka dhacay deegaanka Balibusle ee Mudug

Tiro dad ah oo kor u dhaaftey 10 qof maanta lagu diley deegaanka Balisbusle ee Gobolka Mudug kadib markii ay maleeshiyo hubeysan ay weerar ku qaadeen bas sidey dad socoto ah isla markaana ay cagta wax ka dayeen markii ay geysteen ficilkaa foosha xun.

Dhimashada ka sokow waxaa dhaawacyo kala duwani ay soo gaareen dad kale iyadoo intooda badani lasoo gaarsiiyey cisbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug isla markaana lagu dabiibayo goobtaas.

Waxgaradka iyo maamulka Gobolka Mudug ayaa dhaleeceeyey arintaas iyadoo ay ku tilmaameen iney tahey arintani mid aan dhaqanka suuban ee Islaamka ka baxsan in la laayo dad socoto ah waxaana maamulka GObolku balan qaadey inuu ku dadaali doono inuu soo qabto maleeshiyaadkii ficilkan geystey.

Waxaa sidoo kale dhaleeceeyey maamulka Galmudug ee Koonfurta Gaalkacayo arintan iyadoo tacsi u direen eheladii dadkii ku geeryoodey arintan ayna balan qaadeen iney maamulka Gobolka Mudug ee Puntland kala shaqeyn doonaan sugida amniga iyo kala danbeynta.

Waxaa batay dilalka iyo aanooyinka ee ka dhaca gudaha magaalooyinka iyo degmooyinka Gobolka Mudug iyadoo dhowr jeer oo hore ay dhacdey arimo sidan oo kale ah oo fool xun ayna ugu weynaayeen nimankii Pakistaanta ahaa ee lagu diley magaalada Gaalkacayo 2009kii oo ilaa iyo hada aanloo qaban cidii danbigaa ka danbeysey.

LaasqorayNET-Wakaaladaha

Comments are closed.