webmaster@laasqoray.net

Dagaal Saf Balaaran Ah Oo ay Habeenkii Xalay Ahaa Ku Qaadeen Fariisimaha Ciidamada AMISOM Xarakada Mujaahdiinta Alshabaab

Xarakada Shabaabul Mujaahdiin ayaa maanta faah faahin ka bixiyey weeraro saf balaaran ah oo ay habeenkii xalay ahaa ku qaadeen jiidaha hore ee dagaalka ee ay isu hor fadhiyaan ciidamada dowlada KMG ah ee somalia iyo Kuwa AMISOM ee magaalada caasimada ah ee muqdisho

Dagaal culus kadib oo habeenkii xalay ahaa ka socday magaalada muqdisho kaasoo saamayn ku yeeshay deeganada loo barakacay xataa oo dadkii ay seexan waa ku riday diryanka madaafiicda ay is weydaarsanayeen labada dhinac ayaa maanta waxaa shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho Afhayeenka ciidamada Xarakada mujaahdiinta Al-shabaab Sheikh Cabdi casiis Abu- Muscab ayaa sheegay inay xalay weerareen jiidaha hore ee dagaalka ay isku hor fadhiyaan ciidamada dowlada KMG ah iyo Kuwa AMISOM

Sheikh Cabdi Casiis Abu-Muscab ayaa shaaca ka qaaday inay dagaalkii xalay ay ka gaareen guulo wax ku ool ah islamarkaana ku fashiliyeen shirqool ay la damacsanaayeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah isagoo daboolka ka qaaday inuu bilowday duulaankii joogada ahaa ee ay xarakada mujaahdiinta alshabaab ku furan lahaayeen inta uga dhiman magaalada muqdisho

Sidoo kale Abu-muscab ayaa tilmaamay inay habeenkii xalay uga dileen ciidamada AMISOM askar badan islamarkaana kusoo furteen hub gacmeed badan oo ay kaga qabsadeen difaacyadii hore oo ay qaarkood gacanta ku dhigeen islamrkaana dib ugasoo baxeen.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkii xalay ayaa kamid noqonaya dagaalada faraha lagaga gubtay ee ay xarakada mujaahdiinta alshabaab kula jiraan ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah.

Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho

Comments are closed.