Dagaal Xoogan ayaa maanta markale ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqdisho kaasoo u dhexeeyey ciidamada dowlada KMG ah ee somalia oo kaashanaya Ciidamada AMISIOM iyo xarakada mujaahidiinta alshabaab.
Inta la’ og yahay 10-qof oo 6 ka mid ah yihiin dad rayid ah ayaa ku dhintay ku dhawaad 20 kalena way ku way ku dhaawacmeen, dagaal culus oo maanta ka dhacay xaafado kuyaala degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere oo dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG oo isku dhinac iyo kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin..
Dagaalka oo bilowday waabarigii hore ee saaka ayaa qarxay kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay weeraro ku qaadeen saldhigyo milateri oo ay Al Shabaab ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho..
Dagaalada oo ay bar bar socdeen madaafiic ku dhaceysay xaafado ku yaala meelo goobaha dagaalka ka baxsan oo ay ku dhaqan yihiin dad rayid ah ayaa la sheegay in ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo ku sugnaa guryahooda.
Madaxweynaha dowlada KMG ah ee somalia Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo isagoo xiran dharka ciidanka ee Tuutaha ayaa shir jaraa,id ku qabtay meel iaan sidaasi uga dheerayn xarunta madaxtooyada xili uu dib uga soo laabtay goobaha dagaalka oo ay u suurtoobi weydey xili uu damacsanaa inuu booqdo kadib markii xarakada mujaahdiinta alshabaab ay dagaal xoogan soo qaadeen.
madaxweynaha ayaa sheegay in dadka shacabka ah garab istaagaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ah xili ay gumaad ba,an ku hayaan dadka shacabka ah Ciidamada AMISOM oo madaafiic aan loo meel deyin ay ku garaacayaan xafadaha iyo deegaanada ay ku nool yihiin waa siduu sheegaye.
Majiraan wax war ah oo ka soo baxay xarakada Mujaahdiinta Al Shabaab oo ku aadan dagaalada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Yaasin Maxamed Faytin, Muqdisho, Somalia
