Xaalada Degmada dhoobley ee goboka Jubada hoose ayaa degan kadib markii dagaal xoogan oo uu ku dhex maray Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamada dowlada KMG ah ee somalia kadibna ay dib ula wareegeen xarakada mujaahdiinta alshabaab oo iminka gacanta si buuxda ugu haya degmadaasi.
Afhayeenka Xarakada mujaahdiinta alshabaab sheikh cabdi casiis abu-muscab oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada dowlada KMG ah ay jab xoogan gaarsiiyeen islamrkaana firxadkoodii ka gudbay xadka kala qaybiya kenya iyo somalia.
Sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ku aadan dagaalka degmada dhoobley oo kasoo baxay masuuliyiinta dowlada KMG ah ee somalia iyadoo laga soo sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay madaaficidii lays weydaarsanayey dad rayid ah oo xiligaas ku sugnaa degmada dhoobley iyadoo Inta la og yahay ay wax ku noqdeen ilaa 5-qof oo rayid ah oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.
Maaha markii ugu horaysay ee dagaal noocan oo kala ah uu ku dhex maro degmada dhoobley ciidamo taageersan dowlada KMG ah iyo xarakada alshabaab ee gacanta ku haya degmadaasi iyadoo horaantii bishan aynu ku jirno uu dagaal madaafiic u badnaa ku dhexmaray ciidamo uu hogaaminayey axmed madoobe oo dowlada taageersan iyo xarakada alshabaab.
Yaasin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho
