Ciidamada Dowlada ku meel gaarka ah oo dhiiri gelin ka heley guulihii ay kasoo hooyeen la wareegidii Degmada Beled Xaaw ayaa waxay maanta gacanta ku dhigeen degmada Luuq isla markaana si guud isugu balaarinaya Degmooyinka Gobolka Gedo.
La wareegida Degmada Luuq ayaa timi kadib markii xoogagii Mucaaradka ee magaalada Gacanta ku hayey ay isaga baxeen degmada xaleyto iyadoo aan la garaneyn dhinaca ay u wareegeen.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Suufiyada oo beel ahaan kasoo jeeda beelaha Gobolka Gedo ayaa waxay hada qorsheynayaan iney gacanta ku dhigaan Degmooyinka Garba Haarey iyo Baardheere.
Xarakada Alshabaab oo dagaalka ba’an kula jirta Dowlada ku meel gaarka ah iyo AMISON ayaa iyadu waxaad moodaa inuu dhex yaalo khilaaf hoose iyadoo warar ay sheegayaan in ciidamo loo soo diri lahaa Gobolka Gedo la joojiyey isla markaana loosoo direy Muqdisho.
Hase ahaatee maamulka Sare ee Alshabaab ayaa arintan ka hadlin iyagoo ciidamada Ethiopia ku eedeeyey iney la wareegeen degmooyin ka tirsan Jamhuuriyada Soomaaliya isla markaana ku baaqey dagaal.
LaasqorayNET-Nairobi
