webmaster@laasqoray.net

Dagaaladii Muqdisho oo guulo lakala sheegtey

Dagaalo in dhoweytoba kusoo noq noqanayey xarunta Somalia ee Muqdisho ayaa maanta waxa uu ahaa mid culus iyadoo uu dagaalku ku fidey deegaano ay hore gacanta ugu hayeen Maamulka Alshabaab isla markaana dhimasho iyo dhaawacba keeney.

Dagaalka oo u badnaa Hawlwadaag ayaa ahaa mid culus waxana uu yimi kadib markii ay ciidamada Dowlada ee difaaca kaga jirey agagaarka VILLA Somalia ay weerar culus ku qaadeen goobihii ay fadhiyeen ciidamada Alshabaab.

ciidamada Dowlada ayaa waxaa gacan siinayey madaafiicda Ciidamada AMISON iyadoo ay adeegsanayeen Madaafiicda BM-ka iyo Taangiga oo si daran doori ah loo ridayey.

Dowlada sarkaal u hadley oo la yiraahdo C.llahi Canood oo ah taliyaha ciidamada Madaxtooyada ayaa sheegey iney ciidamadoodu la wareegeen goobo hor leh oo ay ka mid tahey xaruntii degmada Hawlwadaag.

Sidoo kale sarkaalku waxa uu sheegey iney ciidamadoodu la wareegeen goobo kale oo ku yaala Degmada Hodon iyo Wardhiigley.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatey iney khasaare balaaran oo dhimasho u badan gaarsiiyeen ciidamada AMISON iyo kuwa Dowlada inkastoo ay ka gaabsadeen in goobo laga qabsadey iyo inkale.

Dhaawaca iyo dhimashada inta cusbitaalada lasoo gaarsiiyey ayaa kor u dhaafey 40yeedo isugu jira 11 Dhimasho ah iyo Dhowr iyo sodomeedyo dhaawac ah.

Dagaaladan Muqdisho ka dhacay ayaa inta badan waxaa wax ku noqda dadka shacabka ah inkastoo aan la garan karin kooxaha isku haya waxa ka dhinta iyadoo ay iyagu qaataan.

LaasqorayNET-

Comments are closed.