Dagaalo culus oo aan la isula harin waxba ayaa weli ka socda caasimada dalka Soomaaliye ee Muqdisho iyadoo ay dagaaladii ugu danbeeyeen la isu adeegsadey madaafiicda goobta dagaalka, BM-ka ama gemaha Gantaalada iyadoo ay ciidamada Alshabaab dib looga riixey dhowr goobood oo ay hore gacanta ugu hayeen.
Wararku waxay intaa ku darayaan iney dhimashadu inta la hayo ay kor u dhaaftey 17 qof oo isugu jira ciidamada ku dagaalamayey meesha iyo dad shacab ah isla markaana ay jiraan dhaawacyyo intaa ka fara badan.
Warar madax banaan oo ka imanaya Goobaha ay dirirtu ka socoto ayaa waxay sheegayaan iney Ciidamad Dowlada oo ay caawinayaan taangiyada Afrikaanka ay la wareegeen xaafado ay ka mid yihiin Rugtii hore ee Saraakiisha, Isgoyska Sodonka, Shiirkole iyadoo ay hada ciidamad Dowladu ay difaac ka galeen Isgoyska Black Sea ee dhinaca Waqooyi Galbeed kaga beegan Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Dowlada ayaa waxaa ka go’an iney dib ula wareegto suuqa weyn ee Bakaaraha isla markaana ah halbowlaha ganacsiga koongurta Soomaaliya iyadoo ay suuqaasi gacanta ku hayaan ciidamada Alshabaab.
Dagaaladan aan kala go’a laheyn ayaa waxay bar bar socdaan shirar ay leeyihiin kooxaha lagu tilmaamo iney daneeyaan arimaha Soomaaliya kaas oo ka socda magaalada Kampla ee dalka Ugandha.
LaasqorayNET
