webmaster@laasqoray.net

Dagaaladii Muqdisho oo sii xoogeystey iyo guulo lakala sheegtey

Dagaaladii ka socdey magaalada Muqdisho ayaa manta markale sii xoogeystey iyadoo ay ciidamada Dowlada iyo kuwa Afrikaanka ah ee AMISON ay la dirireen ciidamada urur diimeedka Alshabaab iyadoo uu dagaaladani ay ka dhaceen isgoysyada Hawl wadaag iyo Adan Cade.

Dagaaladan oo khasaare balaaran oo isugu jir mid nafeed iyo maadiba ayaa waxay kooxaha isku haya kala sheegteen guulo iyadoo ay Dowladu sheegatey iney ku dhowaatey Suuqa Bakaaraha isla markaana ay ka safeyn doonto kooxha Alshabaab suuqaas.

Sidoo kale dhinaca Alshabaab ayaa waxay iyaguna sheegeen iney iska caabiyeen weeraradii kaga imanaya ciidamada Huwanta ah isla markaana ay fashiliyeen duulaankii ay wadeen.

Dagaaladan kasocda Muqdisho ee u dhexeeya Alshabaab iyo Dowlada ayaa in mudo ahba hada soo noq noqonayey iyado ciidamada Dowladu ay ku durkayeen goobaha ay ka taliyaan Alshabaab ee isla magaalada Muqdisho hase yeeshee lama oran karo guulo waaweyn ayey gaareen Dowladu.

Alshabaab ayaa dagaaladan Muqdisho waxay isticmaalaan gododa waaweyn iyo iney guryaha isu dalooliyaan isla markaana ay ku adkaatey taankiyada Afrikaanka iney ka qeyb qaataan Dagaalka sidaa awgeedna uu dagaalku yahay mid ka fool ka fool ah oo qoriga AK47 lagu dagaalamayo.

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.