Dagaalo isdaba joog ah oo xoogan ayaa saaka aroortii hore ka curtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya iyadoo ay dagaaladani u dhexeeyaan ciidamada Dowlada oo gacan ka helaya kua AMISON iyo ciidamada urur diimeedka Alshabaab.
Dagaalkan oo qeybtiisa uga weyni ka dhacayey Degmada Hodon isla markaan duhurkii uu qaboobey laakinse aysan aheyn mid raagtey iyadoo dagaalku oo galabta sii kululaadey geysteyna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan oo ka bilowdey kadib markii ay Dowladu weerar culus ku qaadey Saldhigyada maleeshiyaadka Alshabaab ayaa waxa la kulmeen iska caabin xoogan oo jilbaha la isu aastey hase yeeshee dagaalka markii danbe waxaa soo galey Ciidamada Afrikaanka ah ee AMISON.
AMISON oo adeegsaneysey hubka culus ayaa waxay qiratey in dagaalka uu kaga dhintey 2 askari hase yeeshee sheegatey iney dileen Hogaamiye ka mid ah hogaamiyaasha dagaalka ee ururka Alshabaab.
Warar ka madax banaan kooxaha isku haya Muqdisho ayaa sheegey iney dhimashadu kor u dhaaftey 16 ruux oo u badan kooxihii isku hayey iyo dhaawaca oo gaarey 24 oo sidoo kale u badan ciidamada Dowlada.
Dagaaladan culus ayaa waxay imanayaan xili uu jiro khilaaf ba’an oo u dhexeeya laamaha Dowlada sida Raysul baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo kala jebisey midnimadii Dowlada Ku meel gaarka ah.
Lama garan karayo cida ku gacan sareyn doonta dagaaladan ka curtey Xamar iyadoo aad moodid iney furimo badani ku furmeen xoogaga Alshabaab hase yeeshee waxay muujiyeen dhabar adeyg aan hore loogu arag kooxaha isku hayn jirey Koonfurta Soomaaliya
LaasqorayNET
