webmaster@laasqoray.net

Dagaalo dib uga soo cusboonaadey xili ay Dowladu ku dhawaaqdey xil kororsi

Muqdisho ayaa waxaa dib uga curtey dagaalo culus iyadoo kooxaha iska soo horjeeda ay ku dagaalameen  Isgoyska Hodon iyo kan Hawlwadaag iyadoo dhinaca Dowlada ay taageerayeen Ciidamada AMISON oo madaafiic huwisey goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaliyey khasaaro nafeed iyo mid maadi iyadoo ilaa 10 qof la sheegey iney ku nafwaayeen xaga dhaawacu uu intaa ka badan yahay.

Wax war ah oo cad kama aysan soo bixin kooxaha isku haya inkastoo warar aan lagu kalsoonaan karin ay sheegayaan in Dowladu ay dib u riixdey ciidamada Alshabaab oo dhinaca Bakaaraha dib ugu riixdey.

Dagaaladan ayaa yimi xili ay Dowlada Federaalku ee garwadeenku ka yahay Madaxweyne Sheekh Shariif iney xilka Dowladu kororsaneyso mudo 2sano oo kale.

Sidoo kale Dowladu waxay taageertey in xil kororsigii ay ku dhaqaaqeen Golaha Baarlamaanku ay mudan tahey in la tix geliyo isla markaana la aqbalo.

Go’aamadan ay xukuumadu qaadey ayaa timi kadib markii Safarkii deg deg ahaa ee uu yimi Mahinga kuna yimi Magaalada Muqdisho maalintii shaleyto aheyd isla markaana u eg iney xukuumada Sheekh Shariif ay arimahan ku heshiiyeen.

laasqorayNET-Dubai

Comments are closed.