Dagaalo la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xaley ka curtey Magaalada Muqdisha iyadoo dagaalkaasi uu u dhexeeyo ciidamda Dawlada ku meel gaarka ah iyo AMISON oo isku dhan iyo ciidamada ururka Alshabaab isla markaana khasaare dhimasho dad rayid ah dhaliyey.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay 2ba goobood iyadoo dagaalka ka ka dhacay Sayidka ama taaladii hore ee Sayid ayaa ahaa mid aad u culus xaga kankale uu ka dhacay Gurigii Shaqaalaha ee ku yaaley Degmada Hodon saldhiga Booliska saarnaa iyadoo halkaasi ay Ciidamad Afrikaanka ah Saldhig u tahey.
Dagaaladan ka curtey Caasimada ayaa garabyada isku haya aysan wax war ah kasoo saarin iyado madaafiic habow ahi ku dhacdey goobo dhaafsiisan goobaha uu dagaalku ka socdey.
Dowlada oo ay kaabinayaan ciidamada Afrikaanka ah ee ku sugan Muqdisho ayaa caabis ku haya ciidama Alshabaab oo iyagu dhankooda doonaya iney labadanba ka takhalusaan isla markaana khasaaraha ugu weyn uu soo gaaraa dadka rayidka ah ee tirada yar ee caasimada ku harey.
laasqorayNET-Muqdisho
