Dagaalo qaraar oo la isu adeegsadey hubka culus iyo kan fudud ayaa waxa uu saaka dib uga qarxay degmooyin ku yaala waqooyiga Muqdisho, xarunta dalka Soomaaliya.
Dagaaladan oo ku daba xiran kuwo hore uga dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo sheegaya furinta dagaalka iney Dowladu guulo ka gaartey dagaalkii maanta isla markaana goobaha ay qabsatey ay ka mid yihiin isgoyska Maanapolyo, xaafada Siinay iyadoo ay hore goobahaasi gacanta ugu jireen Kooxaha mucaaradka hubeysan ee Alshabaab
Dagaaladii ugu danbeeyey ay wada galaan kooxaha mucaaradka iyo Dowlada ayaa waxaa dowlada u suura gashey iney la wareegeen rugtii hore ee Saraakiisha, jidka sodonka iyo goobo kale oo ku dhow dhow.
Dagaaladan maanta ka dhacay Muqdisho ayaan la sheegi kareyn khasaaraha nafeed ee soo gaartey iyadoo had iyo jeer dhibka ugu badani ay soo gaarto dadka rayidka.
LaasqorayNET-Muqdisho
