webmaster@laasqoray.net

Dagaalo iyo Duqeymo u Dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo Dhinacyada Hubaysan ee ka Soo Horjeeda ayaa Saakay Waxaa uu ka Dhacay Xaafado ka Mid ah Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalada ayaa la sheegay inay bilowdeen kadib markii xoogaga hubaysan ay weerar ku soo qaadeen fariisimo militari oo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku leeyihiin agagaarka Isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi uu ka bilowday dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo dhinacyadii weerarka soo qaaday, waxaana dagaalka bar bar socday duqeyn aad u xoogan.

Qaar ka mid ah Madaafiicda ay is weydaarsadeen labadaasi dhinacyada dagaalamaya ayaa la sheegay inay ku dhacdey gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay ganacsigii saakay ka jiray Suuqa Bakaaraha.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa hubaysan ee ka soo horjeeda ku dhexmaray degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Majirto cid ka tirsan Masuuliyiinta labada dhinac oo ka hadlay dagaalka saakay ka dhacay nawaaxiga isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hase ahaatee dagaalka ayaa saameeyay ganacsigii ka jiray Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana hadii ay soo baxaan qasaare ka dhashay dagaalkaasi aad kala socon doontaan Shabelle.net hadii uu Illaah inoo saamaxo.

Laasqoray.Net

Comments are closed.