webmaster@laasqoray.net

Dagaalo ka curtey Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya

Dagaalo qaraar oo ka dhacay Gobolka Hiiraan oo u dhexeeyay kooxaha Suufiyada oo gacanta ku haysa qeybo ka mid ka ah gobolkaas iyo kooxda Alshabaab oo iyadu dhaafi la goobaha ay haysato suufidu iyadoo dagaalkii maanta uu dhaliyey khasaarooyin fara badan oo isugu jiria dhimasho iyo dhaawac oo kala gaarey labada kooxood.

Dagaalkii maanta ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan iyadoo ay labada kooxoodba kala sheegteen guulo iyadoo aan la xaqiinjin karin cida runta sheegeysa sababtoo ah goobaha ay dagaalku ka dhaceen ayaan laheyn isgaarsiin.

Indhoweydba dagaalo ayaa ka dhex dhacayey labadan kooxood oo iyagu midba mida kale gaaleysiiso iyadoo kooxda Alshabaab ay ugu yeeraan Suufiyada Mushrikiin xaga kuwa Suufidu ay ugu yeeraan Alshabaab Khawaarij isla markaana kooxba kooxda kale ay baneysatey dhiigooda iyo maalkoodaba isla markaana aaminsan iney isku jano tegeyaan.

Afhayeen u hadley kooxda Suufiyada oo lagu magcaabo C/laahi Sheekh C/raxmaan ayaa sheegey iney dhinocooda ay ku guulesteen dagaalkii maanta isla markaana sheegey iney Alshabaab ka dileen tiro kor u dhaaftey 8 nin tiro kalena ay ka dhaawaceen.

Hase yeeshee sidoo kale ayaa Alshabaab guulo ka sheegatey dagaalkii maanta iyadoo afhayeen u hadley uu sheegey iney suufiyada ka laayeen dhowr isla markaana ay iyagu difaaca ku jiraan oo ay kooxda kale weerar ku soo qaadeen xili ay burcad sifeyn ka wadeen tuulooyinka Cali Ganey iyo Heef oo ku taala inta u dhexeysa Maxaas iyo Matabaan.

Dagaaladan ayaa khasaaraha ugu badani wuxuu soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyadoo aysan kala adkaan kooxahan  isku haya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliyeed

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.