Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia ayaa waxaa ka dhacay dagaalo la sheegey iney geysteen khasaaro nafeed iyo mid dhaqaaleed kadib markii uu dagaal xoogani ka dhacay degmooyinka Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah iyadoo ay dagaaladani uu ka dhex curtey Kooxda Alshabaab iyo Dowlada Ku meel gaarka ah.
Khasaaraha horudhaca e dagaalka ayaa lagu soo waramayaa iney kor u dhaafeen dhimasho 7 Qof ah xaga dhaawacu uu ka badan yahay intaas.
Degmooyinka ay ka mid ka yihiin Boondheere iyo Degmada Hodon weliba gaar ahaan Agagaarka Saldhiga Booliska ee xaafada Kaasa Bal balaare ayaa ah goobaha ay dagaalada Xoogani ka socdaan.
Dagaaladan ayaa ku daba jira kuwo shaley ka dhacay isla goobahan iyadoo ay Dowlada ku meel gaarka ahi ka sheegatey guulo isla markaana ay goobo hor leh ka qabsatey Mucaaradka hubeysan.
Hase yeeshee dagaaladan maanta dib uga curtey Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa iney ku xoog sareeso Mucaaradka Hubeysan ee Alshabaab iyadoo KM4 ay gebi ahaanba xiran tahey kadib markii ay maleeshiyaadka Alshabaab ay kusoo durkeen oo Tarabuunka ilaa iyo iskuulkii Sare e Banaadir isku fidiyeen.
Dagaaladan ayaa waxay imanayaan xili uu sanadka 2010 ay gebo gebo tahey iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay ku dhameysteen sanadka adagaalo iyo barakac hor leh.
