Waxaa warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarey Gobolka Bari ay sheegayaan inuu dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Xoogaga uu hogaaminayo Wadaadka Maxamed Saciid Atam iyo Ciidamada Sirdoonka Puntland iyadoo dagaalku uu ka dhacay Degmada Galgala goob aan sidaa uga fogeyn.
Wararku waxay intaa ku darayaan in ay dagaalka qaadeen ciidamada Sirdoonka Puntland oo u badan beesha Majeerteen iyadoo ay wadooyinka ama dhabooyinka tusayeen kuwo u dhashey deegaanka Galgala.
Wararku waxay kaloo intaa ku darayaan in dhinaca PIS-ta ama sirdoonka Puntland lasoo gaarsiiyey dhaawac dhowr qof ah iyadoo aan la sheegin wax dhimasho ah laakinse la xaqiijiyey dhaawac kor u dhaafey 5 Maleeshiyo.
Sidoo kale dhinaca Wadaadka mayalka adag ayaan warkiisa la heyn inta dhaawac ama khasaaruhu ay le’egyihiin iyadoo ay adagtahey in la helo xog dhab ah ee dhinaca Atam.
Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Sanadka Cusub iyadoo dhowr bilood ka hor ay Dowlada Farole sheegtey iney soo afjartey Dagaalada Galgala iyo duulaankii hase yeeshee tan ayaa cadeyneysa in weli aan xal laga gaarin dhibaatada Gobolka Bari ee soo noq noqoneysa.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in khilaaf beeleedka dhex yaala beesha Degta Galbeedka Gobolka Bari ay weli taagan tahey iyadoo wadaadku uu taageero ka haysto qeybo ka mid ah beelaha meesha dega kuwo kalena ay kasoo horjeedaan.
LaasqorayNET-Bosaaso
