Dagaalo culus ayaa ka dilaacay Degmada Buuhoodle deegaano hoos taga iyadoo uu dagaalkani u dhexeeyo Beelaha Dhulbahante ee Buuhoodle iyo ciidamada Somaliland oo beel ahaan duulaan usoo qaadey arooortii hore ee maanta.
Dagaalkan ayaa ah mid aad u qaraar iyadoo maleeshiyaadka Somaliland ay adeegsanayaa madaafiic ay ku jirto Qoriga BMka isla markaana loogu jawaabayo madaafiicda goobta dagaalka ee yaaley Degmada Buuhoodle.
Ciidama beeleedka Buuhoodle ayaa si weyn isaga difaacey iyadoo ay warar madax banaan xaqiijiyeen saraakiil u dhashey beesha Isaaq lagu diley goobta dagaalka.
Waxaa sidoo kale warar madax banaan ay xaqiijinayaa in ciidamada Somaliland ay kusoo durkeen Dhinaca Degmada Buuhoodle iyadoo ay soo jiireen difaacada ciidamada Buuhoodle isla markaana aan la xaqiijin karin dagaalku siduu ku danbeyn doono.
Ciidamada Buuhoodle ayaa sida wararku sheegayaan waxaa dhabar jebin ku sameeyey ciidamo beeleedyo beelaha Burco ah oo aan ka mid aheyn ciidamadii u qornaa Somaliland iyadoo uu dagaalku yeeshey waji qabiil.
Ciidamada Somaliland ayaan gebi ahaanba waxaan ku jirin dad u dhashey beesha Dhulbahante waana sooc beesha Isaaq iyo Samaroon oo fara ku tiris ah.
Ciidamada Somaliland ayaa u jira Degmada Buuhoodle masaafo ka yar 20km isla markaana dhawaaqa Rasaasta laga maqlayo gudaha Degmada Buhoodle.
Ciidamada difaaca Buuhoodle ayaan iyagu wax caawin ah haba yaraatee ka helin beelaha kale ee Dhulbahante iyo kuwa Harti ee Puntland ku harey iyo weliba beelaha kale ee Daarood maadaama uu dagaalku noqdey mid yeeshey weji qabiil.
Dagaalka ayaa weli socda iyadoo dhaawaca loosoo gaarsiiyey degmada Buuhoodle isla markaana la qorsheynayo in la keeno Gaalkacayo ee xarunta Mudug.
LaasqorayNET-Bosaaso
