webmaster@laasqoray.net

Dagaalo Xoogan Oo U Dhexeeya Ciidamada Ahlu Suna Oo ay kaabayaan Kuwa Ethiopia Iyo xarakada alshabaab Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuuso-mareeb

Dagaal aad u xoogan ayaa ka qarxay maanta gobolka galgduud kaasoo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna Waljmaaca iyadoo la soo sheegayo inuu dagaalka xoogiisu ka qarxay deegaan hoostaga degmada Dhuusamareeb.

Sida ay shabakada wararka laasqoray u sheegeen dad goob joogayaal ah oo halkaasi ku sugan ayaa tilmaamay inuu dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamada Ahlu Sunna uu ka qarxay degaano hoostaga degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud kuwaasoo diryanka madaafiicda laga maqlayey degmada dhuuso mareeb.

Dagaalkan oo ka bilowday deegaan lagu magacaabo God-dhuruwaa oo qiyaastii u jira degmada dhuusomareeb ilaa dhowr toban kiilo mitir dhinaca Barina kaga beegan degmada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo sida la sheegay taageero ka helaya ciidamada Ethiopian ah ay weerareen fariisimo Al Shabaab ay ku lahayeen deegaanka God-dhuruwaa.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xili ay ciidmada Ethiopia ay fariisimo ka samaysteen deegaanada gobolka galguduud gaar ahaan magaalada dhuusomareeb iyo meelo kale oo gobolkaasi ka tirsan islamrkaana ay xoojinayaan cidamada ahlu suna waljameeca.

Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho

Comments are closed.