Waxaa isa soo taraya khasaaraha la sheegay inuu ka dhashay dagaal xoogan oo shalay galab gaabkii ka qarxay deegaanka Ceel-gaal ee gobolka hiiraan iyadoo ay halkaasi isku fara saareen xarakada mujaahdiinta alshabaab iyo ciidamada maamulka dooxada shabeele oo ay kaabayaan kuwa dowlada KMG ah ee Somalia.
Dagaalkan oo ahaa mid xoogan oo shalay galinkii dambe ilaa xalay ka socday deegaanka Ceel-gaal ee gobolkaasi hiiraan ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka dhasheen khasaare naf iyo maalba ah islamrkaana ay ku geeriyoodeen sida la sheegay ilaa sadex qof oo kamid ahaa dadkii raydika ahaa ee deganaa deegaanka ceelgaal.
Afhayeenka Ciidanka xarakada mujaahdiinta al -Shabaab Shiekh Cabdi casiis Abu- Muscab oo saxaafada la hadlayey ayaa sheegay in shalay galinkii dambe dagaalo culus ay ku qaadeen fariisimo ciidamada Dooxada Shabeele ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-gaal, isagoo tilmaamay in dagaalkaasi ay ku dileen ilaa 3-askari gacantana ku dhigeen Saldhiga deegaanka ilka Cadde oo ay fariisin ku lahaayeen ciidamada Dooxada Shabeele.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta maamulka dooxada shabeele Max’ed Nuur Caga-joof oo dhiniciisa saxaafada u waramayey ayaa sheegay in dagaaladaasi ay kusoo qaadeen xarakada mujaahidiinta al Shabaab fariisimo ciidamadoodu ku lahaayeen deegaanka Ceel-gaal, isagoo carabaabay inay ku dileen ilaa 8-askari islamarkaana ay la wareegeen goobo uu tilmaamay inay weerar kasoo qadeen xarakada alshabaab waa siduu hadalka u dhigaye ..
Si kastooy ahaataba Ma jiraan ilo xog xogaal u ah goobta dagaalku ka dhacay oo ka madax banana labada dhinac oo xaqiijin kara kala sheegayshada guulaha labada dhinac ee Dagaalku u dhexeeyo ay kala sheeganayaan.
Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho
