webmaster@laasqoray.net

Dallada waxbarashada Ee Puntland oo xaflad lagu maamuusaayo sii sagootin Ardey Deeq waxbarasho ka heshey Dalka Suudaan

Dallada waxbarashada ee puntland ayaa soo maamustey xaflad lagu maamuusey sii dhaweeynta ardey Deeq waxbarasho ka heshey dalka suudaan.taarikhdu markeey aheeyd 3_3_2011.

Deeqdaas ayaa waxaa bixiyey bankiga islaamka ee xaruntiisu  tahay dalka sucuudiga_jidah,xafladaas ayaa lagu qabtey hoowlka shirarka ee hay’ada wadaniga ah ee Tadamun.

Munaasabadaaas ayaa waxaa ka Hadley madaxa dalada waxbarashada Dr.maxamed cali faarax,asagoo sheegey in deeqdaas waxbarasho laga heley bankiga islaamka .mana aha markii ugu horeeysay ee deeq noocaan oo kalle ah laga helo bankiga.ayuu yiri dr.maxamed cali faarax.

Munaasabadaas ayaa sidoo kalle waxaa ka Hadley madax ka kala socotey hay’adaha waxbarasho ee kala duwan ayagoo dhamaantood tibaaxey farxad aan xadka laheen aay dareemayaan,

Waxaa xusid mudan in deeqdaas aay ku guuleeysteen ardey cadadkoodu dhanyahay 5 ardey oo kala socdey goobo waxbarasho eek ala duwan,ardeydaas ayaa kuligood heley deeq waxbarasho oo laga heley jaamacada la yiraahdo “International University of Africa” oo saldhigeedu yahay dalka suudaan_khartoum.

Ardeydaas ayaa ahaa kuwii ugu sareeyey 1330 ardey oo u fadhiistey  imtixaaankii aay guud ahaan ku galaan gobolada puntland oo dhan.

Maalintii jimcada aheeyd ayaa ardeydaas ka duuleen digida dayaaradaha ee magaalada Bosaaso.waxaana la filayaa subaxnimada sabtida in aay gaaraaan dalka suudaan.

Liiska ardeyda iskuulada iyo Takhasusyada ee  kala heleen fadlan liiskaan ka fiiri:.

Magaca ardeyga Takhasuska uu heley Iskuulka
Cabdullahi shirre siciid Electronic engineering Dugsiga sare ee xamdaan,Bosaaso
Cabdirishiid mahamed cabdullahi Computer engineering Dugsiga sare ee Al-Furqaan, Badhan.
Cabdi majiid maxamed cali Civil engineering Dugsiga sare ee al_Najax
Axmed Aadam yuusuf Electricity power engineering Imam_Al-Nawaawi-Bosaaso
Cabdulaahi maxamuud Aadam medicine Dugsiga sare ee Imaam al_Shaafici

Cabdulfitax Nuur Axmed (Ashkir).

Comments are closed.