webmaster@laasqoray.net

Daruustii Jaamacada Maakhir University oo Si Habsami Leh u Socota.+Sawirro

Waxaan u bushaaraynaynaa inta danaysa horumarka in duruustii Maakhir Univerisity socoto aanuna ku rajawaynahay inay halkaa kasii socoto oo aanay marna dib udhac ku iman.  Sidaad lasocotaan dhowaan ayay ahayd markii albaabada loo furay Jaamacada Maakhir ee xarunta gobolka Sanaag ee Badhan, taasoo balanqaadkeedu ahaa ka haqabtirka bulshada tacliin dhaxalgal ah, horumar lataabankaro, iyo waliba iftiin meelkasta laga arkikaro sida dayaxa shan iyo tobnaad. Waxaa marka Maakhir muujinaysaa karunsheegida balanqaadkii baahsanaa ee dad badani markhaatiga ka ahaayeen markii lagu dhawaaqay wakhti aan sidaa usii fogayn in bulshada horumarinteeda hooygeedii ahaa tacliin shaaca laga qaadayo intii rabi uqorona looga faa’idayn doono.

Sikastaba ha ahaatee akhristoow waxaad halakan kadaalacaysaa habsami u fadhiga muuqaalka quruxda badan leh inuu yahay Maakhir University oo da yartii jeclayd tacliinta iyo horusocodkuba ay guranayaaan midhaha  dhirta ay beereen si wadajir ah qurbajoogta iyo inta gudaha joogta ee ka hawlgashay dhidiba u taagida Maakhir si dadka gudaha wadanka joogaa uga faa’idaystaan, bilicda wadankuna usoo baxdo.

Waxaa marka lagu dhiirigelinayaa inta kaqaybqaadatay ee taageertay iyo inta aan kaqaybqaadanba Maakhir University yagleelideedii inay markasta kudarikaraan wixii karaankooda ah albaabaduna u furanyihiin waxkasta oo wax ku kordhinkara xitaa hal buugna ha’ahaatee.   Waayo waxaa dhowaan lafilayaa in ladhiso dhismihii oo wata Library kaas oo u baahandoona buugaag iyo agabkale oo badan oo u fududeeya ardayda tacliinta ay qaadanayaan.

Maakhir University waa jaamacad aan qofkeliyi lahayn oo kadhaxaysa bulshada oo dhan islamarkaana horumar lataabankaro u keenaysa dhamaan dhulka Somaliyeed gaar ahaana reer Sanaag.  Qofka wax bartaa wuxuu anfacaa naftiisa, dadka kale, iyo waliba bay’ada uu kunoolyahay.  Qof aan waxbaranna wuxuu waxyeelaa naftiisa ugu horayn, inta ka agdhoow iyo waliba dhulka uu ku noolyahay.  Si loobadbaadsho dadka iyo dhulkaba, waxaa lagama maarmaan ah in tacliinta kor looqaado oo dadka oo dhan lagu dhiirigeliyo inay kaqaybqaataan si horumar loo gaadho dibudhaca lagu jirana uu meesha uga baxo.

Qofka maanta haysta fursad islamarkaana helaya tacliin bilaash ah, haduu ka faa’idaysanwaayo waa khasaare baaxad wayn  oo sharaxaad dheeraada aan u baahnayn.

Waxaa maanta badan in schoolada dadka dhigaa badi aanay helin fursad Jaamacadeed balse ay dedaaleen tamartood iyagoo tacliintooda kor u qaadaya si’ay waxay dhigayaan dad wax kayaqaan u noqdaan.  Haday maanta heleen Jaamacad guryahooda ugu timi inay qaataan fursadaa dahabiga ah walibana ku dhiirigeliyaan ardaydoodii iyana waa mid meesha ku jirta oo caqliga saliimka ahi dareemikaro.

Sidoo kale waalidiinta iyana aan helin fursad aqoonsare, iyana inay ka faa’idaystaan dhiirigelina ugu noqoto ubadkooda ay jecelyihiin inay wax noqdaan mustaqbalka dhow iyo ka fogba markay arkaan waalidkii oo danaynaya wax barashada islamarkaana wakhtigelinaya si ay aqoontooda kor ugu qaadaan, waa muhiim inay dhexda u xidhaan oo qaataan classyada habeenkii baxaya ee loogu talagalay dadka shaqeeya iyo dadka waawayn.

Iskusoo duuboo macnaha hadalka iyo dulucdu waxay tahay yaynaan u kalahadhin Jaamacad Maakhir, mid taageera iyo mid ka faa’idaystaba, ogaanana horumarku inuu kabilawdo tacliin.

LaasqorayNet+Dhahar.com

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

6 Responses

  1. Maansha allah waa farxad iyo reynreyn waa wax lagu faano mar haday jaamacadi ka curutay Sanaag/Haylaan. waa in fadhiga laga kaco oo lala shaqeeyo dadkan rumeeyey rayadii da’yarta iyo da’weyntaba.

    Hibo

  2. siday xareedu ujiifto geelaa diinahiyaaya ,fardaha dananaaya, adhigaa
    naqsoobaxay cunaaya bulshada kadhabaysay waxaa n mudo tebaayey waa hanaqaad
    wanaagsan umaduna uriyaaqayso ubadkeenuna ka faa iidaysanaayo hanbalyaan idin
    leeyahay maakhirin taay

  3. waa bildhalatay bulsho walaala ah waa barbaartii maakhireey waa kacaankii
    dhulkaygaaya iga gudooma salan wacan waxaan tebayeybaa maanta iimuuqdee
    waadadaashen reer badhamood kusiwada guusha gacmaha gacamaha isqabsada mashaaric
    soo ifbaxaysaa geyigii kadhalatee bulshooy noloshu waasaad wadnahaygay kutaala
    maakhir universi maskaxdunay way kafekertee waxaan ku boorinayaa bulshada
    badhameed iftiinka inay sii kob ciyyaan dhaharban udirayaa hanbalyo gaar ah
    iyaduna tiigsanaysa dayoxo ka ceebla xumaantoo lagafuliyey dhulwaasaca
    mashaariic waxaa kasiidaran indhaha uroon hadaaftimo bal eeg bilicdeeda wacan
    siday xareedu ujiifto geelaa diinahiyaaya ,fardaha dananaaya, adhigaa
    naqsoobaxay cunaaya bulshada kadhabaysay waxaa n mudo tebaayey waa hanaqaad
    wanaagsan umaduna uriyaaqayso ubadkeenuna ka faa iidaysanaayo hanbalyaan idin
    leeyahay maakhirin taay

  4. maasha allaah umadda reer maakhir ee aan ka dhashay waan u hanbal yay nayaa dhamaantood aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay inay dhankasta hore marka gaadhaan haba ugu horeysee dhinaca wax barashada hanbalyo ayaan idin leeyahay

  5. runti aad ban ugu farxay sida wangsan ee u diri galiyen waxbarshada waxna leyahay taclinta kor ha loqadi si loga baxo jahliga iyo fakriga iyo dagalka waya waxa inta dhawo u ah waa cilmiga

  6. Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta ay dhalinta reer maakhir heleen fursad dahabi ah iyo jmcad ay guryohooda iyagoo jooga ka faiidaysanayan runtii ardada waxan leeyahay fursada maanta hesheen hadayicina meel kale ka helimaysaan dadkayaga qurbaha jmcd usoo aaday waad ka nasiib badantihiin