webmaster@laasqoray.net

Dawladda Finland oo Shaacisay in Markab Dagaal Usoo Dirayso Xeebaha Soomaaliya.

Dawladda Finland ayaa shaacisay in ay markab hor leh oo kuwa dagaalka ah usoo diri doonto xeebaha Soomaaliya ee Burcad Badeeddu saamaynta weyn ku yeelatay maraakiibta ku goosha xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.

War qoraal ay oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa lagu sheegay in Dawladdaasi ay xeebaha Soomaaliya dhowaan usoo diri doonto markab dagaal oo ay saaran yihiin 120-askari oo kamid ah Ciidamada Badda Dawladda Finland kuwaasi oo qayb ka noqon doona hawlgalka ladagaalanka Burcad Badeedda ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Markabka dagaal ee ay Dawladda Finland usoo dirayso xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu magcaabaa Minelayer Pohjanmaa waxaana lagu wadaa in uu xeebaha Soomaaliya soo gaaro inta u dhexaysa bilaha Feberuary iyo April ee sanadka 2011-ka.

Warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dawladda Filnland ayaa waxaa lagu sheegay in hawsha markabkan ay noqon doonto ka hortagidda weerarrada Burcad Badeedda iyo weliba galbinta Gaadiidka Badeedka u raran Qaramada Midoobay ee gar gaarka u wada dadka ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxa uu qayb ka noqon doonaa maraakiibta dagaalka ee kusugan xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo ka kala socda waddamo badan iyadoo aanay jirin is bedel la sheegi karo oo ay maraakiibtaasi ka sameeyeen hawlaha Burcad Badeedda marka laga reebo xaalufinta badaha dayacan ee Soomaaliya.

Ururro uu kamid yahay Midowga Yurub ayaa 8-dii bishii December ee sanadkii 2008-da ka bilaabay xeebaha Soomaaliya hawlgal ay ugu magacdareen Atlanta kaasi oo ay u ekeeyeen xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Sikastaba kooxaha Burcad Badeedda ayaa iyagu hawlahooda sii wata iyaga oo xilligan maraakiibta kasoo qafaasha meelo wax badan ka durugsan xeebaha Soomaaliya taasina waxay muujinaysaa in aan xilligan la xanibi karin kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmailcom
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaoso

Comments are closed.