XILDHIBAAN MAXAMED CABDULAAHI CALI kaarad ayaan KAWARAysanay SAFAR UU KU TEGAY DEEGAANO HOOS YIMAADA DEGMADA BOOSAASO waxana uu sheegay in ay ka jiraan deegaano hoos taga degmada Boosaaso biyo la,aan baahsan iyo Abaaro xiligan soo Wahay Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku Dhaqan Soodimaha dhul dhaaqsimeedka Degaanadan ka tirsan Gobolka Bari.
Degaanada ugu Daran ee abaarihu iminka wax yeleyeen ayaa waxaa ka mid ah Degamada Ufayn,Baargaal,iyo Dhul daaqsimeeyo farabadan oo Nawaaxigaasi ku dhow dhow.
Abaarahan ayaa sidoo kale laga soo shegayaa degaano kale oo ka tirsan Maamulka Puntland oo ay ka mid yihiin Degaano Hoostaga Gobolka Sanaag iyo Mudug oo aysan iminka weli wax roobab ah ka Curan.
Ugu Damayntii XILDHIBAAN MAXAMED CABDULAAHI CALI ayaa baaq u jeediyey in si deg deg ah wax looga qabto Qayla dhaanta Abareed ee ka soo Yeeraysa Dadka Xoola dhaqatada ah ee Baadiyaha Dhul daaqsimeedka Degaano hoos yimaada Gobolka Bari ee Xaruntiisu tahay Magaalada BOSASO ee Casumada Ganacsiga Dowlada Puntland
Laasqoray.Net
Boosaso Puntland Somalia
