webmaster@laasqoray.net

Deeqo la gaarsiiyey Deegaano Sanaag ku yaala

Xubno ka socdey Golaha deegaanka ee degmada Badhan ayaa kaalmooyin ka socdey Hay’ada DRC iyo Qurba gudoonsiiyay bulshaada ku dhaqan meelo ka tirsan gobolka Sanaag.

Magaalooyinka ay golaha deegaaanku kaalmada gaadhsiiyeen ayaa waxa ka mid ah Badhan, Ceelbuh, Carmale, Daara-Salaam, Dawaco, Mindigale, Rad, Laako, Haylaan iyo Moqor.

Kaalmadan ayaa waxa la siinayay dadka danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka iyadoo waxayaabaha la siinayay qoysaskaas ay waxa ay isugu jireen raashin, lacag, shirikaano, bustayaal, qadiifado iyo Maacuun.

Raashinka iyo lacagta ayaa waxa ku deeqay jaaliyada ku dhaqan dalka Ingriiska iyo jaaliyada ku dhaqna dalka Sweden ,halka aya hay’ada DRC ku deeqday bustayaalsha,shirqaanta,qadiifadaha iyo maacuunta .

Dadkii loo qaybiyay ayaa u mahad celiyay dhammaan hay’adaha iyo jaalidaha ku deeqay kaalmadas bini’aadantinimo .

Gudoomiyahaya Golaha deegaanka C/risaaaq Axmed Ciise oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen kaalmadii loogu soo dhiibay dadka danyarta ah islamarkaana ay soo gaadhsiin doonaan waxkasta oo kaalma ah .

Kaalmadan ayaa ku soo beegantay iyadoo roobab xoogani ay waxyeelo u gaysteen qoysas ku dhaqan degaanka Badhan, qoyaysaskaas oo si wayn ugu baahnaa kalmadaas bani’aadantinimo.

Yaasin Cali,

awaale19@gmail.com

Badhan, Somalia

DAAWO SAWIRO KALE

Comments are closed.