webmaster@laasqoray.net

Xubnaha Golaha Degaanka ee Degmada Badhan oo la Dhaariyey iyo Musharaxiinta Jagada Duqa Degmada oo Bilaabay Ololaha Doorashada

Badhan : Maanta gelinkii hore ayaa xarunta gobolka waxa lagu dhaariyey shan iyo labaatan xubnood oo cuqaasha degaanku u xuleen iney noqdaan golaha degaanka.Gudoomiyaha gobolka Sanaag Md. Maxamuud Siciid Nuur oo aan wax ka weydiiney arimahaas ayaa wuxu ku daray iney jirtey xubin sharafeed la siiyey gabadh oo iyadana halkaas lagu dhaariyey.

Goobta dukumantiyada lagu kala saarayey , dhaartuna ka dhacday ayaa waxa goob jooga ka ahaa weftiga ka socdey golaha xukuumadda PL ee uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha , dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Jeneral C/laahi Axmed Jaamac ( Ilka-jiir).

Xubnahah Golaha deegaanka ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Maxamed Ismaaciil Jaamac Ciyoon-Bah Wadaagta Reer Maxed Naaleye
  2. Baashiir Muuse Jaamac-Bah Wadaagta Reer Maxed Naaleye
  3. Cabdiraxmaan Axmed Cali Fanax, Danwadaag Hoose
  4. C/risaaq Yuusuf Cali, Aadan Siciid
  5. C/risaaq Axmed Ciise, Aadan Siciid
  6. Maxed Maxud Shire, Adaan Siciid
  7. Xasan Maxed Faarax, Reer Saalax
  8. Cabdicasiis Axmed Saalax,Warlabe
  9. Maxed Siciid Cabdalle, Ogayslabe
  10. Ayuub Ibraahim Axmed, Reer Faatax
  11. Maxed Cumar Axmed, Dir
  12. Maxed Cismaan Xasan, Nuux Cumar
  13. Siciid Bootan Axmed, Bah Ogayslabe
  14. Abokor Xasan Ibraahim, Gabyaguud
  15. Cabdiqani Axmed Ciise, Axmed Cumar
  16. Maxamed Cumar Warsame, Jibriil Siciid
  17. Axmed Maxed Jibriil, Hinjiye

Xubnaha Dumarku ay ku yeesheen ayaa waxaa ka mid ah

  1. Khadra Maxed Warsame, Reer Saalax
  2. Saynab Cabdi Aar, Bah Wadaagta Reer Maxed Naalaye
  3. Sucaad Axmed Siciid, Nuux Cumar
  4. Deeqa Cali Caynab Dir
  5. Foosiya Farxaan Suudi, Muxumud
  6. Caasho Cabdulaahi Faarax, Gubooye/Madhibaan
  7. Sahro Cali Xasan, Ogayslabe
  8. Faadumo Cali Maxud, Aadan Siciid
  9. Khadro Cumar Axmed, Reer Faatax

Dhaartii ka kadib waxa khudbad waano iyo dhiirri gelin ah ka jeediyey wasiirka arimaha gudaha , oo xubnaha golaha degaanka ku boorriyey iney ka dhabeeyaan dhaarta ay wadanka u dhaarteen iney daacadnimo kaga shaqaynayaan. sidoo kale waxa halkaas musharaxnimadood ka caddeeyey lix xubnood oo sadex ka mid ahi u sharaxan tahay jagada gudoomiyaha golaha degaanka , sadexda kalena gudoomiye ku xigeenka, waxayna kala yihiin sidan : Jagada Guddoomiyaha Golaha degaanka waxa u sharraxan :

1- C/risaaq Axmed Ciise (BIIBISI).

2- Ayuub Ibraahim Findhe ( Ayuub Baarjeex).

3- Bashiir Muuse Jaamac.

sidoo kale jagada guddoomiye ku xigeenka waxa u sharaxan :

1- Zaynab Cabdi Aar.

2- Maxamed Is-qalloocshe.

3- Maxamed Cumar Warsame ( Suryar).

xubnahan ayaa galbta gelinkii danbe bilaabay ololaha doorashada , waxanala filayaa in maalinta berri ah doorashadu ay dhici doonto . Cudurdaar. Waxan ka cudur daaranaynaa dib dhaca wararka oo ay keenta internet-ka oo aad u culus.

LaasqorayNet+/ Badhan .

Comments are closed.