Magaalada Ceelbuh ee ka Tirsan Sanaag ayaa Manata la dhagax dhigay Dugsi Sare oo loogu Magac daray AfLax Secondry School waxana dhismaha Iskuulka Iska kaashanaya Qurba Joogta deegaanka Ceelbuh oo Gacan ka helaya Ganacsata deegaanka iyo Bulshada Waxbarashada jecel ee Gudaha degmada ku Sugan.
Saaka oo Taariikhdu ahayd [15-Dec,2010] ayaa Bulshada Ceelbuh oo ay ka mid ahaayeen Ururada Haweenka iyo kuwa dhalinyarada ay u Dareereen Xaflada lagu dhagax dhigayay Iskuulka Cusub.
Dhamaan Cidii ka qayb qaadanaysa Dhismaha Iskuulka Ceelbuh way u Furan tahay iyada oo aynu Xasuusanahay Muhiimada ay Leedahay Aqoonta oo Kor loo Qaado.
Magaalada Ceelbuh waxay ka mid tahay Magaalooyinka Dhanka Tacliinta Sare ugu kacay tan wixii ka danbeeyay Bur Burkii Dawladii dhexe ee Somaliya.
Dhawaan bay ahayd markii Gudaha Magaalada lagu Qabtay Xaflad balaadhan oo Daaha Looga qaadayay Hir Galinta Iskuulka Sare ee Ceelbuh [Daawo Sawirada]

Dhagax Dhigii Iskuulka Sare ee Ceelbuh

Muuqaalka Ururada Degmada

Jaamac A. I. S.
