Degmada Laasqoray oo ka mid degmooyinka hoos yimaada Gobalka Sanaag ayaa waxaa dhawaanahaanba kasocday dadaalo iskaashi ah oo ay wadeen dadka deegaankaa, oo ku aadan cusbitaal dhismihiisa halkaa laga hirgaliyo.
Hadaba maanta ayaa waxaa magaalada Laasqoray lagu qabtay munaasabad dhagax dhig ah oo ay kasoo qayb galeen dadka deegaanka oo iskugu jira ganacsato ,odayaal,dhaqaatiir,iyo dad magac weyn kuleh bulshada Somaaliyeed iyo magaalada Laasqorayba.
Waxaa sidoo kale munaasabadaasi ka dhex muuqday ururka iskaashatada kaluumaysiga GAASHAAN iyo mas’uuliyiinta warshada kaluunka “Laasqoray Tuna”, oo iskaashaday maalgalinta Isbitaal adeegyadiisu dhamaystiran ay magaalada Laasqoray yeelanayso.
Dadwaynaha halkaasi kahadlay oo ay ka midyihiin gudoomiyaha degmada Laasqoray, Xaaji Yuusuf Jaamac Dibad, mas’uuliyiinta warshada kaluunka iyo ururka GAASHAAN ayaa dhamaantood sheegay in muhiim ay tahay in lugu dadaalo sidii dadku wax u qabasan lahaayeen oo aan laga warsugin Hay,add samafal waaxana dadku tilmaameen in iskaashi dadka deegaanku sameeyaan ay wax badan ka tari karto baahida caafimaad xuma ee halkaa ka jirta.
Tilibaadaa ayaa dadka deegaanka ku sheegeen mid hadii ay ka ay hirgasho Laasqoray u horseedaysa in dadka deegaanka ka gudbaan adeeg caafimaad la,aan oo muda ay tabayeen dadka degmada Laasqoray iyo nawaaxigeeda.
Daawo Sawirada



Isha warka iyo Sawirada-SPR fm
