Dowladda Federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaliya ayaa soo dhaweysay soo bixiddii Sabtida xogta ku aadan ra’yi weydiintii Muqdisha, iyada oo sheegtay in tani u taagan tahay tallaabo loo qaaday dimoqoraadiyad dhab ah oo waddanka ka dhacda.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi ‘Farmaajo’ ayaa soo dhaweeyey ra’yi weydiintii ugu horreysay intii ka dambeysay 1991-dii, waxayna tani ina tusaysaa markii ugu horreysay sida aadka u weyn ee dadka reer muqdisho ay isagu raacsanyihiin dibudhiska dowladooda, iyo waliba sida weyn ee ay u rabaan habka dimuqoraadiyadda iyo dooroshooyin loo dhanyahay.
“tani waa baraarujin u baaqaysa shacabka oo dhan. Inbadan baa nala moodsiinjirey inaynu nahay ummad kala qaybsan. Imanka way innoo muuqataa in kooxyar oo qaswadayaal ah ay kala dhextaaganyihiin rabitaanka iyo himilooyinka shacabka u oomanyihiin ee aynu dhammaanteen wadaagno,” ayuu yiri
“imanka dadka reer Muqdisho waa ay garan karaan halka ay aragtida inteeda badani jirto. Waxaynu arki karnaa in waxa ina mideeya aad uga badanyahay waxa ina kala geynaya. Waxan shaqsi walba weydiisanayaa inuu labajibbaaro dadaalkiisa ku aadan dibudhiska dalkeena dhammaan aynu wadaleenahay, maxaaa yeelay waa waxa ay cid walba doonayso. Ra’yi weyndiinta waxay heeryada ka rogeysaa cabsidii iyo cadaadintii ina soo daashatay oo imanka waxaynu maqli karnaa codka dadka caadiga ah” ayuu raaciyey.
Ra’yi weydiintan oo ay shaacisay Mogadishu Media House oo ah Xarun Saxaafadeed madax bannaan ayaa ah hay’addii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo dadka ku dhaqan caasimadda weydiisa waxa ay aaminsanyihiin. Ra’yi weydiintan oo la qaaday laba jeer oo kala ah Jannaayo iyo November 2010, ayaa muujisay in tobankii qof dadka reer Muqdisha ay sagaal ay rumeysanyihiin in DFKM tahay mid xalaal ah oo matasha Soomaaliya, halka 4 duleel, saddex ka mid ah ay rabi lahaayeen mustaqbalka dowlad ku timaada doorasho xor ah oo ay dadku codkooda dhiibtaan iyada oo la tartamayo.”
Cilmi baaristan oo ka dhacday degmooyinka caasimadda oo ay ku jiraan meelaha ay maamulaan mucaaradka hubaysan iyo jidka Afgooye iyo Muqdisho u dhaxeeya. DFKM waxay gacanta ku haysaa in ka badan 60% oo hoy ammaan u ah 80% shacabka caasimadda ku dhaqan.
“DFKM waa ay go’antahay u istaagidda fulinta rabitaanka shacabka sida ku cad baaritaankan la sammeeyey ee tibaaxay doonitaanka shacabka dowlad dimoqoraaddi oo la doortay oo ka mid ah ahdaafta ay dowladdu u xusul duubayso maadaama ay soo dhawdahay dhammaadka xilliga kalaguurka”, ayuu yiri. Isaga oo intaa ku daray in baaqyada isbaddel doonka ee ka dhacaya waqooyiga Africa iyo bariga dhexe ay caddeyn u yihiin in dimoqoraadiyadda iyo mabaadii’da islaamku aysan iska hor-imaanayn”.
Ra’isul wasaaraha ayaa ina xusuusiyey in June 2010-kii, hogaamiyaha kooxda mayalka adag ee Shabaab, Ina- Godane uu ku dhawaaqay in Dimoqoraadiyadda uusan ILAAHAY raali ka ahayn, cid kalena aysan sharci ka dhigi Karin….haddii dadku ay dagaalamaan illaa qofka ugu dambeeya uu dhinto ayaa ka dhib yar buu yiri jideynya (sharci ka dhigiida) mabaadii’ada sheydaanka sida dastuurka.” Waxa uu yiri “ hadaba marka loo eego ra’yi weydiinta ayaa inoo caddaaneysa sida Godane oo col-ujoog ah uu uga fogyahay waxa dadka doonayaan. “xaqiiqdu waxa ay tahay in 75% shacabka ay si aad ah u diideen kuwa xag jira iyo siyaasadoodaba oo lagu ogaaday baaritaankii lagu sammeeyey dadka.
Waxa uu ugu baaqay kuwa xagjira inay hubka iska dhigaan kuna biiraan hannaanka nabadeed oo ah waxa dadka intooda badan dalbanayaan iyada oo waliba xisaabta lagu darayo in 70% shacabka ay qabaan in dowladdu dadaal weyn ku bixinayso sidii ay ula heshiin lahayd kuwa kasoo horjeeda.
“DFKM iyo saaxiibadeen Hawgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) u jooga Soomaaliya ayaa waxay diyaar u yihiin fududeynta gargaarka la gaarsiinayo dadka u baahan ee dalka ku sugan,.” ayuu yiri.
Ra’yi weydiinta ayaa waxa ay si aan leexleexad lahayn u taageertay marka la tixgeliyo sida ay ku jawaabeen dadka intiisa badan hindisaha beesha caalamka oo ay ku jirto AMISOM, oo ah sidii loo sii wada lahaa geeddi-socodka nabadda iyo waliba helidda adeegyo caafimaad iyo gurmad bani’aadamnimo oo la gaarsiiyo dadka u baahan. 75% Dadki Muqdisha ee la weydiiyay ayaa lagu ogaaday inay saaxiibo u aqoonsanyihiin AMISOM iyo guud ahaan Midowga Afrika.
Ra’isul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in DFKM ay sammeynayso horumar weyn oo ku aadan dhinacyo badan sida dibudhisidda hay’adaha maaliyadda, abuuridda hab cad iyo laxisaabtan, isaga oo sheegay in taas wax ka tareyso soo kabsashada dhaqaalaha dalka, fursado shaqo laga helayo iyo waliba waxbarasho iyo adeegyo kale. 72% dadka ayaa lagu ogaaday inay hayso shaqo la’aan, koronto iyo waxbarasho la’aantuba yihiin waxyaalaha dhibaatooyinka waaweyn ku haya.
Dowladda Farmaajo waxay awoodda haysaa 3 bil oo keliya waxayna furtay Bankiga Dhexe iyada oo soosaartay miisaaniyadda markii ugu horreysay 20 sano kadib, iyada oo meelmarisay hab xisaabcelin la taaban karo. Sida lagu xusay warbixin ay siidaysay ICG ayaa waxaa la yiri “ bilihii ugu dambeeyey dowladdu waxay si dhab ah iskudayaysay inay taabbageliso hab dawladnimo iyo laxisaabtan ee dhinaca dakhli ururinta iyo maamulka. Iyo waliba xoojinta habka dowladda u kharajgareynayso… si loo abuuro hab hufan oo la xisaabin karo lehna nidaam lacageed oo waqtiyeysan.”
LaasqorayNET.
