webmaster@laasqoray.net

Dhacdo Cajiib ah oo ka Dhacday Mid Kamida Dalalka Carabta ah.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo aan markoodii hore nasiib u helin gelidda Dugsiyada iyo Waxbarasho ay Luqaduhu ka mid yihiin, ayay Duruufaha adag iyo Colaadda dalka ka aloosan awgood, dantu waxay ku kalliftay inay iyagu xoogsatanimo, dhaqaale-doon iyo sababo kale dartood ugu hayaamaan, oo ugu qaxaan qaar ka mid ah Dalalka Carbeed.

Dalalka ay Dhallinyaradaasu u haajireen, gaareen, ku nool-yihiin, kana xoogsadaan, ayaa waxaa ka mid ah: Yemen, Sacuudiga, Libya, Imaaraatka iyo kuwa kale.

Dalalkaas waxaa laga heli karaa Shaqooyin u badan Xoogsatanimo(Xamaali, Nadaafad..iwm), waxaase kala duwan heerka Nolosha, Maciishadda, Fursadaha-shaqo iyo Qaabka helitaanka Sharciyada degganaanshaha(Iqaamad) ee Waddamadaas.

Koox Dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo ka mid ah kuwaas aan soo marin Waxbarashada, aanna ku hadli karin Luqado kale ,siiba Carabiga, ayaa u xoogsi-tagay mid ka mid ah dalalkaas Carbeed. Waxay nasiib u heleen inay Shaqo Xagga Nadaafadda ah ka bilaabaan Xarun ay lahayd Dawladda Hoose ee Magaaladii ay ku noolaayeen markaas.

Dhallinyaradan oo muddo ka-dib kasbaday xoogaa Carabi jajab ah, aanse lagu sii meel-marin karayn, ayaa xilli fiid ah soo raacay Taksi. Wuxuu ku tala-galkoodu ahaa markaas inay ka soo adeegtaan Suuqyada oo soo dukaamaystaan.

Taksiilihii oo damcay: inuu xoogaa la sii sheekaysto Dhallinyarada, ayaa weydiiyay: waxa ay tahay Shaqadoodu…?. Iyagu waa ay fahmeen Su’aasha Ninka, ha-yeeshee, waxaa ku adkaatay Jawaabtii ay bixin lahaayeen…!!.

Dhallinyaradii oo adeegsanaya Af-Carabigoodii Jacburka ahaa, ayaa waxay ku jawaabeen:-”Shuqul Qashin”,”Shaqo Xashiish”. Waxay ula jeedeen :-”Ururinta Qashinka ayaannu ka shaqaynaa”. Waxay is-lahaayeen: Yuusan Taksiilaha gelin Hunguri weyne, toos ugu sheega waxa aad qabataan.Soona af-jara Su’aalihiisa.

Nasiib-darro waxay Taksiilihii kaga dhegtay Erayga ‘Xashiish’. Iyagu waxay ula jeedeen ‘Qashin’(Qumaamah), isaguna wuxuu u qaatay Xashiishka Maandooriyaha ah(Daroogo) ee ay Dawladuhu la dagaallamaan, si uusan ugu dhex-fidin, una faddarayn Bulshooyinkooda…!!.

Taksiiluhu wuxuu ka baqay: in haddii uu sahlado Wiilashan,lana qabto, ay markaas arrintoodu u ekaanayso: ’Qaade & Qariye’. Wuxuu is-yiri: aad Ammaan iyo Bogaadin ka heshid Booliska. Wuxuu isku qanciyay aad qaadatid kaalin waddaninimo ee ha sii dayn Daroogiistayaashan kuu soo gacan-galay.

Taksiilihii ayaa isagoo dheeraynaya ku leexday Saldhig Boolis, una sheegay inay Gaariga u saaran yihiin: Wiilal Afrikaan ah, oo ka shaqeeya Maan-dooriyayaasha. Saddex Askari oo Xoog-weynayaal ah, ayaa durba soo dhiftay Wiilashii, waxayna hor-geeyeen Taliyihii Saldhigga.Taksiilihii ayaa Carrabka ku ballaariyay:-”Waxay hortayda ka qirteen inay ka shaqeeyaan Xashiishka”!!.

Taliyihii ayaa bilaabay inuu Su’aalo weydiiyo Wiilashii. Carabigoodii ayaa la fahmi waayay. Waxaa loo cid-diray Nin Soomaliyeed oo kale, oo isagu si fiican ugu hadla Carabiga, si uu uga turjumo Wiilasha mixnadaysan. Waxaa telefoon lagula xiriiray Xaruntii D/Hoose, ee ay sheegeen Wiilashu inay ka shaqeeyaan.

Ugu dambayntii, waxaa Saraakiishii Saldhigga Booliska u caddaatay inay shaqada Wiilashu tahay ‘Guridda Qashinka’(Nadaafad), aysanna ku lug-lahayn Xashiish iyo Maandooriye kale midnaba.Horaa loo yiri:-”Sir-ma-qabe Allaa u sahan ah”.

Hase yeeshee, Wiilashu waxay mareen Imtixaan adag,hirig-hirig aan yarayn, Baqdin, Halis iyo Waqti badan oo ka lumay. Sababtuna waxay ahayd garasho la’aanta Luqaddii looga hadlayay Dalkii ay joogeen, oo ka xoogsanayeen.

Diinteennu waxay nagu bogaadinaysaa:-”Qofkii barta Luqadda Dadyow kale, wuxuu ka badbaadayaa Dhagartooda/Shartooda”. Xikmad Caalami ahna waxay tiraahdaa:-”Qofkii yaqaanna hal luqo, wuxuu la mid yahay un hal qof, qofkii yaqaanna laba Luqadood, wuxuu la mid yahay laba qof, qofkii yaqaanna dhowr luqadoodna, wuxuu u dhigmaa dhowr qofood”.

Looma baahna inaynu dalalka kale la tagno, dadyowga qalaadna kula dhaqanno, waxa la yiraahdo:-”Waan daadshay”,”Waxaad tiriba lagu yiri”,”Madmadoobe Allaa ku yaqaan” iwm. Waa in wax la bartaa..

Barashada Luqaduhu waa Fure muhim u ah, aanna looga maarmin: Kasbashada Aqoonta, Hanashada Cilmiga,Socodsiinta Hawlaha Dawladaha casriga ah,Xiriirka Caalamiga ah, Ilbaxnimada, Garashada Dhaqannada Dadyowga iyo la-tacaamulka Umadaha.

Garashada Luqaduhu waa Hoggaan ka mid ah kuwa Dalmareennimada habboon,Ka-shaqaysiga Dalalka kale, Maal-gelinta dalkii hooyo iyo Amuuro kale…

BARTA LUQADAHA OO BARTA…..

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy

LaasqorayNet-

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

2 Responses

  1. kkkkkk walaahi qosol iga dhe waan layaabay badaw waaye kuwaan waabay sigteen kaalaya qashinka somalia gura dhe kanaa idiin lacag badaneeee

  2. kkkkkkkkkkk waa sheeko xiiso leh