Guddoomiyaha guddiga sare ee jaaliyadda Maakhir ee Holland Professor Cumar Shire Yuusuf waxu ka codsanaya jaaliyadaha ku nool dalalka kor ku xusan inay guddiyadooda la soo xiriiraan guddiga jaaliyadda reer Maakhir ee dalka Holland taasoo ujeedaadisu tahay:
- Abuurista Dallad Urur ay leyahiin jaaliyadaha reer Maakhir ee dalalka kor ku xusan.
- Iska warqabida iyo kawada tashiga arrimaha kala duwan ee la xiiriira xaalada beesha reer Maakhir.
- Wax ka qabashada, tayeenta, tacliinta iyo caafimaadka reer Maakhir.
- Ka qeybqaadashada, kobcinta dhaqaalaha iyo barnaamijyada horumarinta beesha reer Maakhir.
Waxaan idiin soo gudbinaya salaan aan ka sido dhammaan Guddiga Sare iyo Guddiga Fulinta Maakhir ee Holland.
Fadlan, kala soo xiriir cinwaanada Jaaliyada Maakhir ee Holland iyo ururkeyda HRM ee kala ah:-
Emailka UHM : horumarintamaakhir@gmail.comWebpageka ururkan:- http://www.facebook.com/home.php#!/profile.php?id=100002283087505Xogheynta ururka : Inj. Faarax Daahir Dalmar lagana helo Telefoon lambarka: +31-6-22182851
Xoghayaha Guddiga Fulinta ee HRMInj. Faarax Daahir Dalmar
Wabillahi towfiiq
